Haweenaydii dunida ugu wanaagsanayd bad-quuska ayaa loo badinayaa in ay geeriyootay

Natalia Molchanova, haweenayda Ruushka ah ee loo aqoonsan yahay in ay tahay qofkii dunida ugu wanaagsanaa bad-quuska, gaar ahaan muquurta badda nooceeda aan la xidhan  qalabka lagu neefsado, ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo noqon wayday kadib markii ay afartan mitir hoos u quustay Axaddii badda loo yaqaan Balearic Sea, oo u dhaw jasiiradda Isbayn ku taalla ee Formentera.

Maadaama Natalia oo 53-jir ah aanay xidhnayn qalabka neefsiga, isla markaana ay hadda maqan tahay 48 saacadood, waxa loo badinayaa in ay geeriyootay.

Haddii la xaqiijiyo geerida Natalia Molchanova waxay u dhimatay wixii ay dunidu iyada ku baratay oo hayd quusidda ama muquurta badda ee dabiiciga ah ee aan la xidhan qalabka neefsiga saacida, shaqadan oo ah tii ay nolosheeda oo dhan ku soo caano-maashay.

Haweenaydan ayaa lagu xasuusan doonaa in ay jabisay 41 rikoodh oo dunida u yaallay isla markaana ay hantiday 20 billadood oo dahab ah.

Wiilkeeda oo lagu macagacaabo Alexey Molchanov oo 28 jir ah, isaga qudhiisuna sidii hooyadii uu yahay bad-quuse, ayaa quus ka muujiyey in hooyadii oo nooli ay badda ka soo noqoto.

“Waxa u eg tahay in ay hooyaday ku waari doonto badda gunteeda. Waxan u malaynayaa in ay halkaasi tahay meeshii ay ugu jeclaan jirtay” ayuu yidhi wiilkeedu.

Waxa ilaa hadda socda baadhitaano iyo gurmad lagu baadhayo raq iyo ruux meeshii ay Netalia ku dambaysay, iyadoo laga baadhayo masaafo 3 kiiloo-mitir ah oo badda gudaheeda ah.

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha.

Il-wareed: CNN

Bandhige@gmail.com