Haweenaydii koowaad ee Afgaanistaan baylood ka noqota ayaa magan-galyo weydiisatay Maraykanka

 

Markii ay Niloofar Rahmani noqotay baylood duuliya diyaaradaha dagaalka, waxay hambalyo ka heshay haweenka dunida iyo dadka u ololeeya in haweenku ay shaqo kasta oo raggu qabtaan qaban karaan. Waxay noqotay calaamadda geesinimada haweenka Afgaanistaan. Hase ahaatee hambalyadaasi uma muuqato in ay sii waarayso.

Waxay hadda joogtaa Maraykanka, waxayna dawladdaas weydiisatay magangalyo siyaasadeed iyadoo ku doodday in ay ku ammaan heli wayday waddankeedii kadib  markii kooxaha ka dagaalama Afgaanistaan ay bar-tilmaameed ka dhigteen isla markaana xubno ka tirsan dawladda Afgaanistaan ay dhawr jeer u hanjabeen iyagoo u sheegay in shaqada ay hasaa aanay ahayn tii haweenka.

Niloofar waxay sheegtay in sababta ay diyaaradda dagaalka u kicinaysaa tahay iyadoo jecel in ay ka mid noqoto dadka ISIS iyo kooxaha dagaalamaya ka cidhib-tiraya Afgaanistaan.

Sidoo kale Niloofar waxay sheegtay in ilaa yaraanteedii ay ku taami jirtay in ay baylood noqoto.

“Maaha aniga oo kali ah. Aabahay ayaa xataa ku riyoon jiray in uu baylood noqdo” ayay tidhi.

Jeneraal ka tirsan xukuumadda Afgaanistaan oo magaciisa la yidhaa Maxamed Radmanish ayaa Maraykanka ugu baaqay in aanay magangalyo siin haweenaydan ka tirsan ciidanka cirka ee Afgaanistaan isagoo sheegay in aanay jirin cid u hanjabtay iyo wax amni darro ah oo ku haysata Afgaanistaan.

Niloofar oo 25 jir ah waxay tabobar sida loogu dagaalamo diyaaradaha casriga ah ku soo qaadatay koonfurta dalka Maraykanka, waxana la filayey in ay shaqadan sannado badan hayso oo ay ugu yaraan ilaa 1000 (kun saacadood) hawada sare ka dagaalanto lana dagaalanto kooxaha ka soo hor jeeda xukuumadda Afgaanistaan ee waddankaa dagaalka ka wada.

“Maaha oo kali ah in aniga ay i haysato xaalad amni-xumo, waxa iyaguna khatar ku  jira qoyskayga oo ay marar badan u hanjabeen kooxaha Afgaanistaan ka dagaalamaa. Dhawr jeer bay meelo kala duwan iyo magaalooyin kala duwan u guureen kadib markii ay naftooda u baqeen” ayay tidhi Niloofar.

Niloofar iyadoo ka hadlaysa ISIS waxay tidhi:

“Waxan arkaa iyadoo kooxdaas ISIS ee magaca Islaamka xumaynaysa mar walba lala xidhiidhiyo magaca Islaamnimo, laakiin waxan idiin sheegayaa in aniga oo ah haweenay Afgaanistaaniyad ah oo Islaam ah aan diyaar u ahay in aan la dagaalamo kooxdaas”

Niloofar oo hadda rasmi isku dhiibtay kiiskeeda wali xukuumadda Maraykanku go’aan kama ay gaadhin.

Il-wareed: CNN

bandhige@gmail.com