Haweenka Sacuudiga oo markii u horeysay ka qayb galaya doorashooyinka deegaanka

Haweenka Sucuudiga oo aan hore loogu ogolayn codaynta iyo  ka-qayb-galka doorashooyinka, ayaa waxay markii ugu horeysay ka qayb galayaan doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee ka dhici doonna waddanka Sucuudiga.

Dumarka Sacuudiga ayaa waxay la tartamayaan ku dhowaad lix kun oo rag ah oo u sharaxan Gollayaasha Deegaanka Dawladdaha Hoose.

Inkastoo dumarka musharaxiinta ah lagu soo rogay in aanay ragga si toos ah ula hadli karin haddana waxay u tartamayaan Gollayaasha Deegaanka Dawladdaha Hoose.

Waxa kale oo Dumarka lagaga mamnuucay in ay baabuur ku tagaan goobaha codaynta, iyadoo xeerkan lagu soo rogay dumarka ayaa waxa fursad siisay dumarka shirkadda tagaasida ee Uber oo bilaash ku qaadaysa haweenka codka dhiibanaya taasi oo ay iska kaashadeen ururka haweenka Sucuudiga ee Al-Nahda.

bandhige@gmail.com