Haweenkii ugu horreeyey ee Maraykan ah oo ka mid noqonaya ciidamada “rangers-ka” ee dallaayadaha ku booda

Labadii haween ah ee ugu horreeyey taariikhda Maraykanka ayaa ka soo gudbay tabobarka lagu kala hadho ee ay maraan ciidamada komaandawsta khaaska ah ee loo yaqaan “rangers-ka.”

Sannadkii ina dhaafay ayuu Barack Obama ansixiyey sharci oggolaanaya in haweenka Maraykanku ay ka mid noqon karaan ciidamada “rangers-ka” oo looga baahan yahay in ay yeeshaan awood iyo geesinimo aan caadi ahayn, isla markaana ay ka dagaal-geli karaan meel kasta oo ragga Maraykanku ka dagaal galaan.

Ciidamada “ranger-ka” loo yaqaan waxay ka mid yihiin kuwa ugu tabobarka sarreeya uguna dagaal-yahansan Maraykanka iyo dunidaba, waxana loo diraa meelaha ugu halista badan iyo hawl-gallada ugu khatarsan ee lagu aamini karo oo kali ah cid awooddeeda dagaalyahannimo la hubiyey dhinac kastaba. Waxayna qaabilsan yihiin hawl-gallada gaarka oo kali ah.

Tabobarkan wajigiisa ugu dambeeya ee lagu kala hadhaa wuxu qaataa 61 maalmood oo xidhiidh ah. Dadkii hore uga qayb-qaatay waxay ku tilmaameen cadaab oo kale, sidaas daraadeed lama filayn in qof haweenay ahi ay hawaysan karto, iska daa in ay ka soo gudubto’e.

Sannadkan waxa tabobarkan fursad loo siiyey 380 rag ah iyo 19 haween ah. Waxase ugu dambayntii guulaystay 2 haween ah iyo 94 rag ah oo ka mid noqon doona ciidamada gaarka u tabobaran ee Maraykanku ku xisaabtamo maalinta ay ugu qadhaadhahay.

Ciidama “rangers-ku” waxay ka soo dagaallameen ama hawlaggalo ka fuliyeen meelo badan oo dunida ah sida Ciraaq, Afgaanistaan, Fiitnaam, Kuuriyada Koonfureed iyo guud ahaan dagaalladii qarnigan iyo kii tagay Maraykanku ka qayb-qaatay.

Haweenka Maraykanka oo ka mid noqda ciidamada rangers-ka waxay meesha ka saari doontaa in haweenku ka maqnaadaan xilalka sare ee ciidamada sida kornayllada, janannada iyo xilalka u baahan hoggaaminta iyo dagaal-gelinta.

Guusha labadan haween ah waxa soo dhaweeyey ururrada u dhaqdhaqaaqa xuuqda haweenka iyo haween-weynaha Maraykanka badankooda.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com