Hay’ada Qaramadda Midoobay u qaabilsan dhinaca ammaanka ayaa hadashay adeegyadda madaarka Hargeysa

Hay’ada Qaramadda Midoobay u qaabilsan dhinaca ammaanka ayaa waxay amaan balaadhan u soo jeedisay maamulka iyo shaqaalaha ka hawl gala Madaarka Hargeysa Cigaal, iyada oo ku amaantay sida wanaagsan ee ay ugu qabtaan adeegyada kala duwan ee uu madaarka bixiyo.

Hay’adu waxa kale oo ay daboolka ka qaaday in uu yahay mid la isku halayn karo amaanka garoonka diyaaradda ee Hargeysa oo ay saraakiisha sar sare Hay’ada Qaramadda Midoobay u qaabilsan dhinaca ammaanka ay ka soo degaan inta badan, iyaga oo qiray inay aad ula dhaceen sida wanaagsan ee uu maamulka iyo shaqaaluhu ay ula dhaqmaan,

Nuqul ka mid warqad ay soo saartay Hay’ada Qaramadda Midoobay u qaabilsan dhinaca ammaanka ayaa waxa ku qornaa sababta iyo ujeedada warqada loo saaray waxaana ka mid ahaa:

“Ujeedada aanu warqadan kuugu soo qornay waxa ay tahay in aanu ku ogaysiino, sida wanaagsan ee aanu uga helnay adeega wanaagsan ay noo fidiyaan shaqaalaha madaarku, tan iyo markii dib loo bilaabay shaqada madaarka, waxaanu dhawr jeer ku soo booqanay anaga oo wafti balaadhan ah oo ka kooban saraakiisha Hay’ada Qaramadda Midoobay u qaabilsan dhinaca ammaanka.”

Hadalka ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee ay Qaramadda Midoobay ka hadlaan hawlaha shaqo ee madaarada Hargeysa, fariintanina waxay noqonaysaa mid kor u qaada sumcadda Cigaal Interanational Airport, isla markaana ay usoo jiidi doonto indha beesha caalamka ee ka shaqeeya madaarada.

Dedaalkan iyo horumarkan aan cidna dafiri karin ayaa ka mid noqonaya, dadaalada is daba joogta ah ee ay xukumaddani ugu jirto kasbashada beesha caalamka, si ay uga makhraati kacaan hor-u-marka balaadhan ee ay Somaliland ku talaabsatay.

bandhige@gmail.com