Haya’da Shaqaalaha Dawladda ayaa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ka fulisay Tababar la xidhiidha Maaraynta Hawl-qabadka iyo Qiimaynta Shaqaalaha Dawladda

Haya’da Shaqaalaha Dawladda ayaa Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska ka fulisay Tababar la xidhiidha Maaraynta Hawl-qabadka iyo Qiimaynta Shaqaalaha Dawladda.

Tababarkan ayaa waxa kasoo qeybgalay Madaxda ugu saraysa Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaraddaasi,Axmed Maxamed Toorno iyo badiba Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska.

Tababarkan ayaa qodobadda uu koobsanyay waxa ka mid ahaa:

1-In la darso hannanka loo qiimaynayo hawlqabadka shaqaalaha dawladda ee Wasaarada.

2. In la’lafaguro habraacyadda sharci ee maaraynta hawlqabadka iyo qiimaynta  shaqaalaha  dawladda.

3. in la fahmo foomamka iyo agabka qiimaynta shaqaalaha lagu samaynayo.

 

Kooxda Haya’da shaqaalaha Dawladda ee Tababarkan Fulinaysay waxa hogaaminayay Ku-Xigeenka Agaasimaha Waaxda Maaraynta Hawl-qabadka iyo Qiimaynta Shaqaalaha Dawladda, Cali Maxamed Saalax Hawl-wadeeno ka tirsan Agaasimka Qiimaynta shaqaalaha.

 

@CSC MEDIA SECTION

Bandhige@gmail.com