UNFPA waxay qabatay shir dib loogu eegayo, laguna qiimaynayo wax-qabadkii sannadkan

Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFP ayaa qabatay shir labo maalmood socon doona oo ay ka soo qayb galeen Ha’yada iyo Wasaaradaha ay wada shaqeeyaa. Shirkan ayaa lagu qiimaynayey waxyaabihii u qabsoomay sagaalkii bilood e sannadkan.

Ugu horeyn waxa shirkan ka hadlay Ezekiel Kutto oo ay ka socday Ha’yada UNFPA, waxaanu hadalkiisii ku bilaabay:

“Waxaan maanta halkan u fadhinaa qiimeynta waxyaabihii u qabsoomay ururada iyo wasaaradaha aanu wada shaqeyno, si loo saxo hawl qabadka sannadka inta ka hadhay iyo qorsheynta sannadka soo socda.”

Sidoo kale waxa isaguna ka hadlay Agaasimaha waaxda dhallinyara ee wasaarada Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Sayid-Cumar Cali Cabdi, waxaanu yidhi:

“Waxaanu wada shaqaynayn Ha’yada UNFPA muddo laba sanno ah oo aanu kala shaqaynayn arrimaha dhallinyarada gaar ahaan arrimaha taranka oo qayb muhiim ah, oo ay dhallinyaradu baahi wayn u qabto.”

Sidoo kale waxa ka hadashay furitaanka shirkan qiimaynta waxqabadka sagaalkii bilood ee ina dhaafay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Luul Aadan Geediqayska ee wasaarada qayska luul Aaden Geedi ayaa sheegtay in UNFPA ay wax weyn ka qabato arrimaha lamaanaha, waxaanay hadalkeedku ku bilowday:

Waxaan u mahad naqayaa dhammaan ka soo qayb galayaasha shirkan iyo Ha’yada UNFPA. UNFPA waxay wax badan ka qabatay arrimaha lammaanaha iyo horumarinta dhallinyarada oo ay wasaarada Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska la qabatay.”

Waxaa ugu danbayntii ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimadka Dr. Yusuf Axmed Cali oo shirka furay ayaa waxa uu sheegay in ay aad u wanaagsan tahay sida wax loo wado.

Agaasimaha Caafimaadka oo ka hadlaya arrimahaas waxa uu yidhi:

“Waxa sannadka wasaarada Caafimaadka u qorshayn in balan iyo dhaar laga qaadi doono dhammaan shaqaalaha caafimaadka, si loo xoojiyo hawlaha caafimaadka ee ummadda loo hayo.”

Isagoo Agaasimuhu hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Sannadkan waxaanu dalka Suudaan ka helnay deeqo waxbarasho oo dhakhtarnimo oo aanu xooga ku saarayno xoojinta arrimaha caafimaadka haweenka iyo dhalaanka, taasi wax weyn ayey ka tari doontaa caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.”

Shirkan ayaa wax weyn ka tari doona hawl maalmeedka ururada iyo wasaaradaha la shaqeeya Ha’yada UNFPA, sidoo kale loogu horumarin lahaa arrimaha ay ka shaqeyso Ha’yada UNFPA.

DSC04311 DSC04313 DSC04331 DSC04333 DSC03399

bandhige@gmail.com