Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Somaliland waxay gaadiid ku wareejisay Garoomada Ceerigaabo iyo Boorama oo dhowaan la bilaabi doono xadayntooda 

 

Hay’adda Duulista iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadiid ku wareejisey Maamuleyaasha Madaarrada Boorama iyo Ceerigaabo oo dhawaan laga bilaabayo qorshaha calaamadinta iyo jaan-goynta dhuleed ee garoomadaasi, si loogu diyaariyo inay noqdaan madaarro maxali ah oo bulshada loogu adeeggo. Gaadiidkan oo ah laba gaadhi oo Xaajiyaddo ah, ayaa Munaasibad kooban oo loo qabtay wareejintooda, waxa ka qaybgalay Maareeyaha Hay’adda Duulimaadyada iyo Maamulka Madaarrada Dalka, Agaasimaha waaxda Duulimaadyada ee Wasaaraddaasi Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta Maamulaha Madaarka Cigaal International Airport   iyo maamuleyaasha labada Madaar ee lagu wareejiyey Gaadiidka.

Axmed Maxamed Carab, Agaasimaha waaxda duulimaadyada ee Hay’addaasi oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyey gaadiidka iyo shaqada loogu talogalay inay qabtaan “labada Gaadhi ee aanu ku wareejinayno labada Maamule-madaar ee Boorama iyo Ceerigaabo waa laba Baabuur oo aanu ognahay inay yihiin kuwo tayadoodu wanaagsan tahay oo ka soo bixi kara Shaqada”ayuu yidhi Agaasimaha oo intaasi ku daray “Gaadiidkan waxa loogu talogalay inay ka qayb-qaataan shaqada laga bilaabayo dhawaan garoomadaasi.

 Dhankooda labada maamule ee Baabuurta lagu wareejiyey ayaa sheegay inay baahi weyn u qabeen Gaadiidkan, waxaanay madaxda Hay’adda uga mahad-celiyeen sida xilkasnimada leh ee ay ugu diyaariyeen. “waxaanu ka guddoonay laba gaadhi oo loogu talogalay xadaynta ka socota labada garoon . gaadiidkaasoo aanu baahi weyn u qabnay noona fududeyn doona hab-socodka shaqada iyo howsha. Aad iyo aad Ayaan ugu mahad-naqayaa Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Madaarrada”ayuu yidhi Maamulaha Madaarka Boorama oo ka dareen celiyey gaadiidka Hay’addu ku wareejisay.

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulimaadyada iyo Madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid) oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday qorshaha Hay’adda ee horumarinta Garoomada diyaaradaha ee dalka, gaar ahaan kuwa gobolada ee la doonayo inay ka qayb-qaataan tacmiirta garoomaha caalamiga ah ee Hargeysa iyo Berbera. Maareeye Cumar Sayid, waxa uu sheegay in labadan Baabuur loogu talogalay bilowga dhaqaajinta xadaynta dhulleed ee Madaarrada Boorama iyo Ceerigaabo oo dhawaan howshoodu bilaabmayso. “Shaqada ugu weyn ee aanu qaranka u qabanaynaa maanta waxa weeyaan in la helo garoobo caalami ah iyo kuwo Maxali ah oo dadweynaha adeeg u fidiya.

Waxa ay Hay’addu ku howlan tahay qorshaha ugu jira, mashruuciina la bixiyey oo diyaar ah xadaynta labada garoon ee Ceerigaabo iyo Boorama. Labadaas garoon oo Hay’adda ugu diwaangashan Madaaro Maxali ah in mustaqbalka dhow laga dhiso oo ay dadku ka soo dhoofaan oo ku soo xidha Madaarrada caalamiga ah ee Berbera iyo Hargeysa. “Madaarradaasi xadayntoodii ayaanu bilaabaynaa todobaadka soo socda, waxaanu labada maamule-madaar ku wareejinaynaa Gawaadhidaas la doonayo in shaqada lagu qabto”

Maareeyuhu isagoo hadalka sii wata waxa uu farriin baaq ah u diray, Ganacsatada, Waxgaradka iyo Haldoorka labada gobol ee Awdal iyo Sanaag oo uu kula taliyey inay gacan ka geystaan hirgelinta Mashaariicda lagu horumarinayo labadaasi garoon-diyaaradeed. “Halkan waxaan farriin uga dirayaa shacabka Somaliland ee Gobollada Sanaag iyo Awdal, waxaanu ka codsanaynaa inay nagu gacan siiyaan in la suggo xadkii dhulka ee Madaarradaasi oo dadka degen, kuwa ka agdhow, cuqaasha, waxgaradka iyo ganacsataduba nagala shaqeeyaan. Gobolku haddii aanu garoon yeellan wuxuu noqonayaa gobol Somaliland inteeda kale ka go’doonsan”ayuu yidhi. Qorshahan lagu dardar gelinayo dhismaha labada madaar ee Boorama iyo Ceerigaabo, ayaa noqonaysa talaabo muhiim ah oo wakhti dheer laga sugayey Hay’addu inay ku talaabsato, taasoo dhaqaajinteedana uu la kowsaday Maareeyaha cusub ee bishan horaanteedii Shaqada la wareegay, kaddib markii madaxweynuhu u magacaabay hogaaminta Hay’addaasi oo qaranka laf-dhabar u ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com