Hay’adda HYDA waxay meherado u furtay dhallinyaro dhammaystay xirfada timo jarista

 

Hay’adda waddaniga ah ee HYDA oo ka shaqaysa arrimaha horumarinta bulshada, gaar ahaan dhallinta ayaa baryahan ku hawlanayd mashruuc xirfado tabobarro kala duwan lagu siinayeey da’yar isugu jirta gabdho iyo wiilalba. Haddaba tabobaradan kala duwanaa ayaa waxa ka mid ahaa tabobar loogu tallo galay da’yarta la hayb sooco ee degan magaalada caasimada ah ee Hargeysa, gaar aahaan sidii dhallinyarada rayiisleyaasha ah xirfadooda kor loogu qaadi lahaa.

Haddaba Hay’ada HYDA oo waxa ay sannadkan tabobaro la xidhiidha xirfada timo jarista, maamulka iyo maareynta ganacsiyada yaryar ay siisay 20 dhallinyaro ah oo dhamaystay tabobarkaas oo socday muddo afar bilood.

Markii ay dhamaysteen tababarka ayaa waxa shantii dhallinyaro ah waxa loo furay hal meherad oo aad loo qalabeeyey iyada oo aan wax lacag ah laga rabin qalabaynta.

Mashruucan ayaa waxa maal geliyey Hay’ad USADF. Mashruucan oo ah mid aan wali hore waddanka looga fulin mid noociisa ah ayaa dhammaanba ay aad ugu riyaaqeen dadkii ka faa’idaystay.

bandhige@gmail.com