Hay’adda shaqaalaha dawlada oo shaacisay nidaam cusub oo shaqaalaha dawladu ku qaadanayaan mushaharkooda

Farxaan Adan Haybe gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawlada ayaa shaaciyay nidaamka cusub ee shaqaalaha dawladu ku qaadan doonan mushaharkooda waxaanu yidhi: “Waxaa si rasmi ah bisha October 2019 ka dhamaadkeeda u hirgeli doona in si tijaabo ah Shaqaalaha Hayada Shaqaalaha Dawlada iyo Wasaarada Horumarinta Maaliyadu ay mushaharkooda Ku qaataan nidaamka E shilling ee Mobilkooda habkan oo Baanka Dhexe iyo Hay’adda Shaqaalaha Dawladu muddo ku talo jireen helista iyo hirgelinta nidaam casri ah oo mushaharku si fudud ugu gaadho shaqaalaha Dawlada waqtiga ugu dhow gobol iyi degmo kasta isagoon ka dib dhicin.

Hore waxa lagu guulaystay shaqaalaha Baanku inay ku qaataan. tani waxay si wayn kor u qaadaysaa tayaynta adeega mushahar bixinta, xoojinta nidaamka daahfurnaanta iyo iska xisaabtanka maadaama si fudud loola socon karo qof kasta oo mushahar gaadhay oo habka I xaqiijinayo.
Waa talaabo dhinaca togan ee horumarka loo qaaday intaas kuma joojinayno ee iyadoo gacmaha aynu is haysana waxaynu xaqiijin doonaa dhamaystirka horumarinta hab Maamulka shaqada iyo tayaynta shaqaalaha insha allah”