Ha’yadda Suna Al-khayriya oo raashin u qaybisay dadka abaaruhu saameeyeen

Hay’ayada Suna Al-khayriya ayaa deeq raashin ah gaadhsiisay 400 oo qoys oo ku dhaqan deegaanada xeebta oo ay abaaruhu saameeyeen.

Bulshadan ku dhaqan deegaanadaasi ee ay ha’yaddu deeqda gaadhsiisay ayaa ah dad noloshoodu ay khatar ku sugan tahay isla markaana u baahan in gurmad dhinac kasta ah oo la gaadhsiiyo.

Waxay Hay’adu gaadhsiiyey deeqo raashin ah dadweynaha ku nool deegaanada Afcad, Bilshaaley iyo Boodaale, deeqdan ayaa ka koobnayd sonkor, daqiiq,bariis, saliid iyo caano.

Waxa ugu horeyn ka hadlay qaybinta raashinka madaxa Ha’yadda Sheekh Xasan Cismaan Cali ayaa ka sheekeyey inay deeqdani wax weyn ka dabooli doonto, nolosha ay dadkan abaaruhu saameeyeen ay ku jiraan ee u baahan caawimada walaalahood ,waxaanu baaq u diray shacabka iyo xukuumada Somaliland in gargaar la soo gaadhaan dadkan abaaruhu saameeyeen .

Dhinaca kale waxaa iyaganu hadalo duco iyo mahadnaq isugu jiray ka soo jeediyey qaar ka mid ah odayaasha deegaanadaasi ka soo jeeday.

Deemadamada dhinaca xeebta Galbeedka Somaliland ayaa waxa baryahan ka jira dhibaatooyin aad u balaadhan oo sababay abaar baahsan oo ku jirta deegaanadaasi, isla markaana ay ka madheen xoolihii iyo duunyadii ay dhaqan jireen,

Sidoo kale Abaarta iyo biyo la’aanta ka jirta deegaanka xeebta ayaa sababtay in dadka qaar ay haraad u dhintaan oo tiraba ay afar qof ay hore ugu dhinteen deegaanadaasi.

Sidoo kale waxa dhibaatooyinka caafimaad ee saamaynta ku leh deegaanka Abeesada ayaa faro baas ku haysa dadka iyo kulaylaha oo meel sare maraya.

Deeqdan raashinka ayaa wax weyn ka tari doonta baahiyaha aasaasiga ee dadka abaaruhu saameeyeen.

bandhige@gmail.com