Maanta waxaa caasimada dalkaa Masar ku geeriyooday Maxamed Xasanayn Haykal oo ahaa warbaahiye weyn oo reer Masar ah waxa uu dhashay 23/08/ 1923kii waxaany geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 17/02/2016,waxaanu ku dhashay xaafada Xuseen ee ku taala magaalada Qaahira.
Haykal waxa uu shaqada saxafinimo bilaabay waqti hore oo ku beegan dagaalkii 2aad ee aduunka dhaxdiisa waxaanu ugu horayn ka hawl galay wargeys la odhan jiray Egyptian Gazate taasi oo hawl waaweyn uu qabtay ay ka mid ahayd in uu baadhintaan uu ku sameeyey dumarka jidhkooda ka gacansada sida ay Masar waagaa ugu jireen taasi oo dawladii xiligaa jirtay ku khasabtay in ay arimahaas mamnuucdo.
Dagaalkii 2aad laf ahaantiisa waxa auu ka soo waramay isaga oo markaa u shaqeynaayey wargaysaka la odhan jiray Aakhiru Saaca meesha la yidhaahdo Calamayn halkaas oo warar fiican uu ka soo diray dagaalada dhax maray xulafada iyo Jarmalka.
1952kii Markii ciidanka Masar sameeyeen inqilaabka ee ay ideen boqortooyadii Masar waxa uu noqday hadhka iyo la taliyaha ugu weyn ee hogaamiyhii Masar Jamaal Cabdinaasir isaga oo mudo dheer noqday tafatiraha wargayska Al ahraam, Haykal waxa uu qoray buug badan waxaa kale oo uu la kulmay madaxdii waaweynayd ee aduunka soo martay qarnigii tagay (20 aad) kuwii Ruushka Marraykanka iyo Shiinahaba, ugu danbayn waxa uu mucaaraday xukunkii Madaxweynihii dhawaan la afganbiyey ee Masar Maxamed Mursi isaga oo taageeray Janaraal Siisi taasi o cadho badan iyo dad ka soo horjeeda u sameysay.
Xasan Ciise