Waxa isa soo taraya qaylo-dhaan la xidhiidha gummaadka lagu hayo dadka muslimiinta ah ee loo yaqaan Rohingya ee ku dhaqan Myanmar ama waddankii hore loo odhan jiray Burma oo ku yaalla Koonfurta Aasiya.
Xukuumadda dalkaasi ka arrimisa ayaa Rohingya-da ku haysa weerar aan loo kala aabo yeelayn oo u eg dabargoyn loo gaysanayo qoomiyaddan laga tirada badan yahay. Rohingyadu waa hal milyan iyo badh muslimiin ah oo la nool 52 malyuun oo Budhiis ah.
Codkii ugu dheeraa wuxu maanta ka soo yeedhay xubno caalami ah oo dunida laga qaddariyo oo badankoodu haysata abaal-marinta caalamiga ah ee Nobel Peace Price. Waxay dhaliil toos ah u jeediyeen haweenayda 71 jirka ah ee awoodda badan ee hoggaamisa Myanmar ee la yidhaa Aung San Suu Kyi oo iyadda qudheedu sannadkii 1991 ku guulaysatay abaalmarinta caalamiga ah ee Nobel Peace Price.
Dadka dhaliilaha u jeediyey Aung San waa 23 xubnood oo caan ah oo ay ka mid yihiin gabadha Baakistaaniyadda ah ee la yidhaa Malala Yuusufsay iyo baadariga reer Koonfur Afrika ee Desmond Tutu.
Warqad furan oo ay warbaahinta u mariyeen waxay ku sheegeen in ay hoggaamiye Aung San Suu Kyi kala quusteen in ay ku qanciyaan in xukuumadda Myanmar joojiso gummaadka ay ku haysto carruurta, haweenka iyo dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya, kadibna ay dan moodeen in ay dhalliishan warbaahinta u mariyaan si dunida oo dhami u ogaato.
Xukuumadda Mayanmar ayaa adeegsanaysa helikobtaro iyo diyaaradaha kale ee milatariga si ay dusha uga duqayso deegaannada ay ku nool yihiin Rohingya.
Hoggaamiyeyaasha Myanmar ayaa dhinacooga ku doodaya in ay baacsanayaan kooxo argagixiso ah oo ka dambeeyey dilkii 7-dii October loo gaystay 11 ka mid ah booliiska dalkaas.
Xukuumadda Bangladesh ayaa shaacisay in ay dalkeeda soo gaadheen qaxooti Rohingya ah oo gaadhaya 50,000 oo qof. Hay’adda Qaxootiga ee UNHCR-na waxay tibaaxday in ay dadkaas la gaadhay taandhooyin iyo agabyada kale ee degdegga ah ee aas aasiga u ah nolosha qoyska.
Kooxdan caalamiga ah ee baaqa u dirtay hoggamiye Aung San waxay ka digeen in uu dalkaas ka dhici karo xasuuq la mid ah kii Rwanda, Darfur, Bosnia iyo Kosovo. Waxayna sheegeen in xoogga ay adeegsanayso xukuumadda Myanmar uu yahay mid xad-dhaaf ah oo aan loo dulqaadan karin.
Ugu dambayn kooxdu waxay warqaddooda ku xuseen in ay la yaaban yihiin sida uu arrinkani uga suurogali karo Aung San oo iyada lafteedu 20-kii sanno ee ugu dambaysay ku jirtay xabsi-guri kuna soo badbaadday olole ay hor kacayeen kooxaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadamaha ka hor intii aanay talada dalkaa la wareegin 6-dii bishii afraad ee sannadkan.
Hay’adda xuquuqda aadamaha u doodda ee la yidhaa Amnesty International ayaa shaacisay in daraasad ay samaysay kadib ay u malaynayso in ay xukuumadda Myanmar ku kacday dambi ka dhan ah xuquuqda aadamaha iyo shuruucda caalamiga ah, kaas oo lagu maxkamadayn karo.
Nidaamyadii isaga dambeeyey talada Myanmar midkoodna arxan uma lahayn umana aqoonsan Rohingya muwaadiniin dhammaystiran, waxayna ku hayeen cadaadis ka dhan ah aadaminimada. Rohingya-da looma oggola in qoyskiiba dhalo wax ka badan laba carruur ah, in ay safar uga baxaan dalka dibaddiisa iyadoo aanay xukuumadda Myanmar ka war qabin iyo in ay mulkiyaan dhulka ay ku nool yihiin sabab la xidhiidha diinta ay aaminsan yihiin.
Il-waraeed: Wakaaladaha Caalamiga ah ee Wararka
BANDHIGE NEWS
Bandhige@gmail.com