Heshiiska taariikhiga ah ee nukliyeerka Iiraan: Dunida oo soo dhawaysay iyo Israa’iil oo ka biyo-diidday

Lix quwadood oo dunida ah iyo Iiraan ayaa ugu dambayntii isla meel dhigay heshiis la xidhiidha nukliyeerka Iiraan kadib dhawr iyo toban sanno oo gorgortan ah iyo wada-xaajood fool-ka-fool ah oo soconayey muddo bilo ah.

Iiraan waxay ogolaatay in ay hakiso tayaynta iyo sii horumarinta nucliyeerkeeda halka dunida kalena ay qaadayaan cumo-qabataymo dhawr ah oo ay ka mid yihiin in ay Iiraan shidaalkeeda dhoofin karto agabyo daruuriyaad ah oo daawooyin iyo cuntooyin ay ka mid yihiina ay soo dejisan karto isla markaana quwadaha adduunka ay ka helayso deeqo ballaayiin Doollar ah.

Heshiiskan dunida badankeeda waa laga soo dhaweeyey. Madaxweynaha Iiraan Axmed Ruuxaani wuxu sheegay in dalkiisu caan ku yahay dhawridda iyo fullinta heshiisyada sidaas oo kalena uu ka filayo reer Galbeedka.

Madaxweyna Maraykanka Barack Obama wuxu sheegay in heshiiskani astaan u yahay sida ay diblomaasiyaddu ugu guulaysan karo wax aanu dagaalku ku guulaysan karin. Wuxu ka digay in aqallada sharci-dejinta ee Maraykanku ka hor yimaadaan, haddii ay taasi dhacdona wuxu ku hajabay in uu codka diidmada qayaxan ee fiitoo saari doono.

Hase ahaatee Ray’sal Wasaaraha Israa’iil ayaa heshiiskan ka biyo-diiday, wuxuna sheegay in la dhiirigeliyey rabshaddii ay Iiraan la dhex joogtay bariga dhexe. Netenyahu wuxu heshiiskan ku tilmaabay “khalad xun.”

Waxa baryihii u dambaysay jiray xurguf dhinaca diblomaasiyadda ah oo u dhaxaysay Iiraan iyo Maraykanka, sidaas daraadeed khuburada arrimahan u dhuun-daloosha qaarkood waxay aaminsan yihiin in heshiiskani uu karbaash ku yahay Israa’iil.

Iiraan ayaa la filayaa bog in uu u furmo bog cusub oo la-macaamilka reer Galbeedka iyo dunida inteeda kale. Heshiiskan ayaa loo arkaa in uu si dhakhso ah u kobcin doono dhaqaalaha Iiraan iyadoo Iiraan loo ogolaaday in Nukliyeerkeeda rayidka ah ay iska sii wadato.

Bandhige@gmail.com