Heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya Wixii ka Danbeeyay Waxaa Soo Baxay Cadawgii Somaliland”

Qore Khadar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in weli ay maamulka Xamar ku doodayaan in Somaliland ay ka mid tahay oo aanay ka madax banaanayn.

Arrintaasi oo muujinaysa cadaawada iyo xumaanta ay madaxda Soomaaliya u hayaan Somaliland, isla markaana ay ku doonayaan in aanay dawladda jamhuuriyadda Somaliland aahayeedda ka tashan karin, heshiisyo iyo horumarna aanay samayn karin.

Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad u jeediyay kumanaan ardayda dugsiyadda sare ee magaaladda Hargaysa wax ka barta oo muddo lagu tababarayay barashada dastuurka iyo waddaniyadda ayaa u hanbalyeeyay ardaydaasi.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay saddex qodob oo kala ahaa mid uu dhalinayrada kula dar-daarmayay, muwaadiniinta reer Somaliland oo uu fariin u diray, iyo doorashooyinka dhawaan dalka ka qabsoomaya.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu khudbadiisa kaga hadlay xaaladaha wakhtigan la joogo ka taagan caalamka gaar ahaana kuwa geeska Afrika, isagoona si gaar ah u soo qaatay dhaq dhaqaaqyadda ciidan ee ay dawladda Masar oo taageeray maamulka Muqdisho ka wado Soomaaliya.

Ardaydan uu madaxweynuhu khudbadda u jeediyay ee dhamaystay barashadda dastuurka iyo waddaniyadda ayaa ka kala socday 37 dugsi sare oo ka mid ah dugsiyadda sare ee ku yaalla magaaladda Hargaysa.

Madaxweyne Biixi, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in 37 dugsi sare ay ka furan yihiin magaaladda Hargaysa, taasoo marka la bar-bar dhigo wixii ka horeeyay gooni isku taaga jamhuuriyadda Somaliland ay aad u adkayd in tiro dugsiyo sare ah oo sidan u badan laga helo.

Ardayda ayuu kula dar-daarmay in ay qabyaaladda ka fogaadaan, isla markaana ay ku faanaan aqoonta iyo cilmiga ay barteen iyo qarankooda, “Ku faana Somaliland. Ku faana waxaad iskuulka ka barateen, ku faan macalinkaagii wax ku soo baray, oo ku faan dadkii dalka soo dhiciyay. Ninka qaranka dumiya waxba iskuma nihin, ma aha Somalilander, miyaanay geesiyaal ahayn dadkii dalkeena dib u xorayntiisa u soo dhintay. Dhaadashadeenu waa Somaliland qaranka ayaa ina mideeyay, qolo qolada weynu ka baxaynaa iyo xaafad xaafadda”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Qodobka labaad ee khudbadiisa ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaga hadlay arrimaha doorashooyinka, dadweynaha codkooda dhiiban doona gaar ahaana dhalinyarada ayuu ku adkeeyay in ay nabad-geliyadda ilaaliyaan, isla markaana ay si akhlaaq leh u codeeyana, iyagoo nidaamka dhawraya.

Sidoo kale madaxweyyne Biixi, ayaa fariin u diray xisbiyadda qaranka iyo ururadda siyaasadda ee ka qayb gelaya ololaha iyo tartanka doorashooyinka.

Waxaanu yidhi “Doorashadda dadka codaynaya waxaa ugu badan waa dhalinayradda, waxaan idinka doonayaa inaad ku codaysaan nabad-geliyo. Sharciga oo aad raacdaan ku codeeya, ciidamadda amniga oo aad amarkoodda raacdaan ku codeeya. Dhamaanba wixii khilaaf inagu keenaya doorashadda ka ilaaliya, qof walawba akhlaaq, iyo edeb ku code.

Xisbiyadda tartamaya iyo dadkooda waxaan farayaa in ay af-kooda, iyo adinkoodaba si asluub leh oo nabad ah, oo aanu midna mid ku gefaynin, oo haddii la doodaya iyo haddii wax la sheegayaba wax wanaasgan uun waa in la sheego, waana in laga ilaaliyo xumaanta”.

Geesta kale madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka hadlay xaaladaha colaadeed ee ka taagan caalamka gaar ahaana Geeska Afrika, kuwaasoo uu tusaale u soo qaatay ciidamada faraha badan ee ay dawladda Masar ku soo daabaulayso dalka aynu jaarka cadawga ah nahay ee Soomaaliya.

Waxaanu yidhi “Heshiiskii ay Somaliland Itoobiya la gashay, wixii ka danbeeyay waxaa soo baxay cadawgii Somaliland oo aad u fara badan. Waxaana la yaab leh Somaliland oo ah dal yar oo aan dhaqaale badan lahayn, sababta ay dawladaha adduunka qaarkood kuwa ugu xooga waaweyni, sababaha ay inoogu soo hanjabayaan, ee ay ciidamadoodda halkan u keenayaan, waa wax lala yaabo.

Dawladda Masar, oo dawlad islaama ah, oo dawladaha ugu xoga weyn ka mid ah, waxaa la yaab leh in ay ciidamo 10 kun oo askari ah, iyo hub culus iyo gaadiidkoodii in ay qaybtii hore keentay Soomaaliya. Waxa kaloo wax lala yaabo ah in madaxweynaha Masar, uu fagaare kasta ka leeyahay ma dhici karto in Somaliland ay ka go’do Soomaalida kale. Aqbali mayno aqoonsiga Somaliland ayuu meel walba ka leeyahay.

Madaxweynaha Masar, cadaawadaasi waxa u geeyay ayaan idiin sheegayaaye, haddii aynu Somaliland nahay, nin walba oo madaxweyne ahi wuxuu ka shaqeeyaa mustaqbalka iyo danta dalkiisu inuu horumaro, waxba kama gelin kuwa kale. Adduunku wuu is taakuleeyaa, arrimaha bini’aadanimada ayuu iska caawiyaa, waa sheeko la qoray laakiin aan run ahayn. Haddii ay jirto taasi, Falastiin baa nabad geli lahayd. Haddii ay jirto in cid la ixtiraamayo, in aanay waxba ka jirin, waxaa cadayn kuugu filan, waxa maanta ka dhacay Lubnaan”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Adduunka ninkii la ishaaqsadaa waa nacas, dantiisa qabsan waayay. Masar iyo Itoobiya, way is hayaan, weligoodna way is hayeen, dagaalkii labadooda wadan dhexmarana 150 sanadood ka hor ayaa ugu danbaysay. Mudadaa 150-ka sanadood ahna caalamka ayaa dhex dhexaadinayay, waxa ay isku haystaana waa biyaha webiga Niilka, arrintaa ayaa la isku haystaa mar walba.

Biyaha Masar, Soomaalida aynu hore uga madka ahaan jirnay laba goor ayay dagaal u gashay, labadaad agaalba miisaankoodu wuxuu ku dhacay Somaliland. Waayo? Hubka iyo waxay u dhawayd deegaanka. Laakiin, maanta dhibaato kale ayaa dhacday, dagaalka biyaha webiga Niil, iyo dagaalka ka dhexeeya Masar, iyo Itoobiya ma dhex gelayno, dibada ayaynu ka joognaa.

Laakiin, Soomaalida Xamar ka hadlaysa, ee midnimadda doonaysa eel eh walaalo ayaa la kala jarayaa, iyo dhulkayagii ayaa badh la qaadanayaa leh, laba su’aalood ayaan waydiinayaa. Waa ta koowaade, ninka leh Somaliland waa laba gobol oo aniga iga mid ah, ma noqon karaan dawlad, ma tashan karaan, aniga ayaa xukuma, caalamkoow ha maqlina inaad heshiis la gashaan, halkaa xabsiga ah ha iigu xidhnaadeen ninka leh, hadana waa ninka leh, Soomaalidu waa walaalo ee ayaynaan kala tegin.

Waa Xasan Sheekh, waa kii ka horeeyay, waa kii kale ee ka sii horeeyay, waa kuwa taageeraya. Bal caqliyada leh walaalo ayaynu nahay, hadana adigu hadli mayside, sida xoolaha waxa uun kuu tuuro uun maqal, oo caqli ma lihide ha tashinin, qodobkaasi ayaa taagan. Somaliland-na waxay leedahay ninkii aanu sida fudud u midawnay, ee aanu sodonka sanadood muransanayn, in aan maanta mar kale dib u midawno waa wax aan suurto gelaynin” ayuu yidhi madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

 

xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com