Hillary Clinton oo qiratay masuuliyadda weerarkii weerarkii Banqaasi

Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka Hillary Clinton oo su’aalo qaatay 11 saacadood guddi ka tirsan golaha kongaraska Maraykanka waydiinayey ayaa waxay qaatay masuuliyaddi weerarkii dhismaha safaaradda Maraykanka ee Banqaasi.

Hillary Clinton ayaa waxay imika ka tahay dadka ugu cad-cad in ay ku guulaystaan musharaxnimada xisbiga Dimuqraadiga ugu tartami doona doorashada soo socota.

Weerarka dhismaha safaaradda Maraykanka ayaa waxa lagu dilay afar qof oo uu ku jiro safaarka Liibiya ee Maraykanku.

Su’aalo badan oo ay guddidu waydiisay Clinton ayaa waxa la arkayey markii ay ka jawaabaysay iyadoo qufacaysa, biyo kolka mar kabanaysa hafatin su’aal awgeedeed.

Guddiga su’aalaha la boobtay Hillary Clinton ayaa waxay u badan yihiin xisbiga Jamhuuriga oo inta doorashada ku loolamaan.

 

bandhige@gmail.com