Hillary Clinton ayaa waxay in ay ku kalsoon tahay baadhitaanka FBI-du wado ee la xidhiidha E-mailada cusub ee la soo bandhigeen, kuwaas oo ay sheegtay in aan lagu helin karin wax dembi oo ay gashay.
Musharraxa Madaxweyne ee xisbiga Dimuquraadiga, waxay taageera yaasheeda u sheegtay in baadhayaashu ay gaadhi doonaan gebogebo la mid ah baadhitaankii bishii Julaay oo ahaa in la ogaaday inaysan wax qalad sameyn.
Ayadoo ka hadleysay gobolka Ohio, Hillary Clinton, waxa ay sheegtay in FBI-da aysan helin doonin cadeyn lagu dacweyn karo.
Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa soo dhexgalay muranka cusub ee ruxay ololaha doorashada ee dalkaasi.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in agaasimaha FBI-da, James Comey, uusan isku deyi doonin in uu galaangal ku yeesho natiijada doorashada.
Xoghayaha arrimaha warbaahinta ee Aqalka Cad, Josh Earnest, ayaa sheegay in FBI-da ay u madaxbannnan tahay in ay waajibaadkeeda gudato.
Xubin sare oo ka mid ah Dimuquraadiga ayaa si adag u cambaareeyay agaasimaha FBI-a Comey, kadib markii FBI-da ay todobaadkii hore aanu soo dhaafnay sheegeen in ay baadhayaan haddii email-lada cusub ee la soo bandhigay ay ku lug leedahay Hillary Clinton.
Ololaha doorashada Hillary Clinton ayaa ka hor yimid eedayn cusub ee la xidhiidha E-mailadan cusub ee ay baadhayaan FBI-u.