Hillary Clinton waxay sheegtay in Trump la siiyo fursad uu waddanka ku hoggaamiyo

Democratic U.S. presidential candidate Hillary Clinton speaks about the results of the South Carolina primary to supporters at a primary night party in Columbia, South Carolina, February 27, 2016. REUTERS/Jonathan Ernst

Hillary Clinton, musharraxa madaxtinimada ee laga guulaystay, waxay sheegtay in loo baahan yahay in madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, la siiyo fursad uu dalka ku hoggaamiyo.

Iyadoo fagaare soo istaagtay tan iyo markii ay qiratay in doorashada lagaga adkaaday, ayaa haweeneyda dimoqraaddiga ah waxay sheegtay in ay rajeynayso in Trump uu ku guulaysto in uu madaxweyne u noqdo dadka Maraykanka oo dhan, waxaanay tidhi iyadoo arrintaas ka hadlaysa:

“Waxaan aragnay in waddankeennu u qaybsan yahay si ka qota dheer sidii aan u maleynaynay,”

Donald Trump wuxuu noqon doonaa madaxweynihii 45aad kadib guul la yaab lala yaabay.

Waxa uu kulankiisa ugu horreeya ee xilliga kala guurka aqalka Cad kula yeelan doonaa madaxweynaha xilka ka degaya ee Barack Obama Khamiista.

Obama, oo saaka telefoonka ugu hambalyeeyay ninka xafiiska ka beddelaya, waxa uu sheegay in aanay qarsoodi ahayn in isaga iyo Trump ay waxyaabo badan isku khilaafsan yihiin, waxaanu yidhi isagoo arrintaas ka hadlaya:

“Dimoqraaddigu waa in ay xasuustaan in aan nahay American marka hore, waddaniyiin marka hore, waxaan dhammaanteen doonaynaa waxa waddankan u wanaagsan.”

Waxaa uu ku farxay hadalkii uu Trump xalay jeediyay, ee uu yidhi:.

“Hillary Clinton waxay kale oo ku boorrisay taageerayaasheeda in ay xushmeeyaan natiijada doorashada, iyadoo sheegtay in dastuurku dhigayo in xukunka si nabadgelyo ah la isugu wareejiyo.”

Sidoo kale mar ay ka hadlaysay Hillary Clinton guuldaradii ku timid ayaa waxay tidhi:

“Waan ka xumay in aynaan ku guulaysan doorashadan dhaqammada wanaagsan ee naga dhexeeya iyo aragtida aan ka qabno waddankeenna,”

Iyadoo ka hadlaysay guuldarradeeda in ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee u tartanta jagada Madaxweynenimada Maraykanka ayaa waxay sheegtay in aan wali haweenku gaadhin halkii ay rabeen, iyadoo arrintaas ka hadlaysana waxay tidhi:

“Weli ma aynaan gaarin dhalada saqafka ugu dheer uguna adag. Laakiin maalin uun, qof ayaa gaari doona,”

bandhige@gmail.com