Hindiya oo la shiraysa in ka badan 50 waddan oo Afrika

In ka badan 50 konton waddan oo Afrikaan ah iyo Hindiya ayaa waxa shir uga furmay Hindiya, kaas oo lagu hormarinayo qaarada Afrika.

Hindiya ayaa waxay doonaysaa in ay maalgelin balaadhan ku samayso qaarada Afrika, kaas oo maanta lagu casuumay in ka badan 50 waddan oo Afrikaan ah.

Raysal Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa sheegay in Afrika ay meelaha ay rajada dhaqaalaha adduunku ka jiro.

Raysal Wasaaraha Hindiya waxa kale oo uu sheegay in doonayaan in ay dhisaan kaabayaasha dhaqaalaha Afrika.

Hindiya ayaa waxay doonaysaa khayraadka dabiiciga ee Afrika, uguna faa’iidayso aqoonteeda dhinaca tiknoolajiyadda iyo istaajiyadda.

Qaaradda Afrika ayaa waxa haatan danaynaya waddamada  Shiinaha, Maraykanka, iyo Hindiya oo ku tartamaya khayraadka dabiiciga ah ee Afrika.

bandhige@gmail.com