Hindiya oo xayirtay qorshaha lacag la’aanta ee isticmaalka Facebook-ga

Waddanka Hindiya oo ah waddanka labaad ee dadka ugu tirada badani isticmaalaan barta bulshadu kuwada xidhiido ee Face book ayaa waxa uu qorshaynayey hindise cusub oo lagu balaadhinayo isticmaalka Face Book-ga kaas oo ay Hindiya ka bilaabi lahaayeen barnaamij ay dadweynuhu lacag la’aan ku isticmaali karaan baraha khaas ah.

Barnaamijkan ayaa waxa uu in badan u saamaxayaa dadka danyarta ah inay kala socon karaan wararka waddanka, cimilada iyo barnaamijyada caafimaadka lacag la’aan.

Hayadda maaraysa isgaarsiinta Hindiya ayaa ka xayirta Facebook in uu siiyo internet lacag la’aan ah waddanka.

Qorshahana Face Book-ga ayaa waxa uu ku doodayaa in ay tani faa’iido u tahay dadka danyarta, halka kooxaha ka soo horjeedaana ay ku doodayaan in uu barnaamijkani ka soo horjeedo dhexdhexaadnimada oo awooda siinayo baro kaliya.

Qorshahan Face Book-ga ayaa waxa uu wiiqo doona kordhinta macaamiisha Hindiya oo ay doonayeen in uu barnaamijkani kordhiyo.

 

bandhige@gmail.com