Hindiya: Shil tareen ayaa waxa ku dhintay 96 qof

Tareen kuwa dheereeya ah ayaa ku qalibmay waqooyiga dalka Hindiya, waxaana shilkaasi ku dhintay dad ay tiradoodu ku dhaw dahay boqol qof, halka dhaawacana uu ka badan yahay 150 ruux.

Tareenka ayaa kasoo baxay magaalada Indore ee badhtamaha dalkaasi, isagoo ku sii jeeday Patna oo ku taalla bariga, waxaana uu khadka ka baxay mar uu marayay meel u dhaw magaalada Kanpur ee gobolka Uttar Pradesh.

Inta badan dadka saarnaa tareenkaasi ayaa jiifay xilliga uu shilka dhacayay oo ahayd saacadihii hore ee saaka.

Kooxaha gurmadka ayaa ku dadaalaya sidii ay dad ku hoos jira burburka usoo bixin lahaayeen.

Tirada dhimashada ayaa laga yaabaa in ay korodho, maadaama ay jiraan dad ku hoos jira burburka tareenka.

Wasiirka tareennada ee Hindiya ayaa amray in baadhitaan lagu sameeyo waxa dhaliyay shilkaasi.

Dawladda dalkaasi ayaa shaacisay qorshe ay ku casriyeyneyso tareennada dalkaasi, waxaanaya tallaabadaasina ka yaabin doonta dad badan.

bandhige@gmail.com