Hogaamiyeyaasha mucaaridka Burundi waxay qaaddaceen doorashada Madaxtooyada

Saddex ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaridka Burundi oo ay ku jiraan laba madaxweyne hore uga noqday Burunid iyo Af-hayeenkii hore ee baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay qaadaceen doorashadda madaxtooyada ee soo socota oo dhici doonta Salaasada 21ka Julaay.

Domitien Ndayizeye and Sylvestre Ntibantunganya labadii madaxweyne ee hore iyo Jean Minani Af-hayeenkii hore ee baarlamaanka ayaa u diray warqad qoraal Komishanka Doorashooyinka maalintii Sabtidii oo ay ku sheegeen inaanay xaalada siyaasaddeed iyo ammaankuba suurto gelin karin inay dhacdo doorasho xor iy xaal ahi.

Warqaddan ayey mucaaridku ku sheegeen in doorashadda loo dareerayo Salaasadda soo socotaa ay tahay dhabar-jabkii ugu danbeeyey ee nidaamka siyaaasadda Burundi, kaas oo ay hadheeyeen bilihi ugu danbeeyey qalalaase siyaasaddeed ka dib markii madaxweyne Pierre Nkurunziza oo mar saddexaad go’aansaday in uu isku soo sharaxo madaxnimada dalka taas oo dastuurka waddanku aanu ogolayn laba teeram wax ka badan.

Hogaamiyayaasha mucaaridka ayaa cabasho weyn ka muujiyey in aan awood u lahayn inay sameeyaan ololaha doorashadda sababtoo ah cabsi-gelinta ciidamadda ammaanka.

Dhanka kale, Af-hayeenka Komishanka Prosper Ntahorwamiye ayaa sheegay inay heleen warqadda hogaamiyayaasha mucaaridku ku qaadaceen doorashadda madaxtooyadda hase magacyada musharaxiintu ay ku qornaan doona maadaam la daabacay lana qaybiyey waraaqaha cod-bixinta.

Qalalaasaha burundia ayaa bilaabmay dhammaadkii bishii Abril ka dib markii madaxweyne Nkurunziza ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagadda madaxweynimo teeramkii saddexaad, taaso dastuurkuna u ogol yahay laba teeram.

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhintay labadii bilood ee rabshadu ka socdeen waddanka Burundi, in 158,000 waxay u qaxeen waddamada jaarka sida lagu sheegay warbixin Qarama Midoobay soo saartay dhawaan.

Qaadacaadda hogaamiyayaasha mucaaridka ee doorashadda madaxtooyadda ayaa filayaa in siii kicin doonaan kacdoonnadda siyaasaddeed ee ka aloosan Burundi.

bandhige@gmail.com