Hoggaamiyaha inqilaabkii dhicisoobay ee Burkina Faso oo hantidiisii la xayiray

Hoggaamiyihii inqilaabkii fashilmay ee Burkina Faso Janaraal Gilbert Diendere waxa laga xayiray dhammaan wixii uu hanti lahaa, kadib markii uu shalay uun talada dalka dib ugu celiyey madaxweynihii ku-meel-gaadhka ahaa ee uu xilka ka fara-maroorsaday Michel Kafando.

Waxa iyagana hantidoodii la xanibay xaaska Janaraal Gilbert oo magaceeda la yidhaa Fatou Diendere iyo 13 qof oo kale oo lala xidhiidhinayo in ay ku lug lahaayeen inqilaabkan oo galaafta nolosha 10 qof xiisad weyna ka dhaliyey dalkaas.

Madaxweyne Michel Kafando waxa kale oo uu go’aamiyey in uu kala diro ciidamada ilaalada madaxtooyada oo ka koobnaa 1200 oo askari oo si gaar ah u tababarnaa si weyna u hubaysnaa kuwaas oo inqilaabka loo isticmaalay. Waxa lagu kala darayaa ciidanka qaranka ee Burkina Faso.

Inqilaabkan iyo murankii uu dhaliyey ayaa la soo gabagabeeyey Khamiistii iyadoo ay heshiis kala saxeexdeen Janaraal Gilbert Diendere iyo Madaxweyne Michel Kafando. Heshiiskaas waxa ka mid ahaa in aan waxba loo raacin janaraalka iyo ciidankii inqilaabka la fuliyey.

Bandhige@gmail.com