Hoggaamiyaha Waddani oo biyo-dhaamin ka wada Sanaag

 

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan oo mudooyinkii u danbeeyay safar la xidhiidhsan takulaynta dadka abaaruhu sameyeen ku maraayay Gobolada Bariga ayaa socdaal la magac baxay “Bariidaduna Waa Sad”, wuxuu ku maray degaanada Abaartu sida daran u haleeshay ee Gobolka Sanaag.

Degaanada uu socdaalka ku maray oo ay ka taagnayeen biyo la’aan xoogani, waxa kamid ah Magaalo Yar, Xood, Waridaad Gadhka, Barkada Cali Xirsi, Tuurka iyo Degmada Gar’adag, kuwaas oo uu u qaybiyay biyo iyo agab kale oo gar gaar kooban ah dadweynaha ku dhaqan degaanadaas oo haraad iyo oon badani hayay.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan, oo Degmada Gar’adag kula hadlay dadweyne tiro badan ayaa sheegay in aanu u socon wax olole siyaasadeed ah, balse safarkiisu daaranyahay xogogaal u noqoshada xaalada abaarta haleeshay degaanadan, iyo wax ka gaysiga intii itaalkooda ah.

Dadweynaha degaanadaas oo ay ka muuqatay shucuur niyaad wanaag ku dhisan oo ay u hayaan hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan iyo safarkiisa la magac baxay “Bariidadun Waa Sad” ayaa uga mahad celiyay dereenkiisa uu cid walba uga soo horeeyay, iyagoo sheegay in wixii ka daba yimaadana ay yihiin dad isaga raad guraaya.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI ayaa uga sii gudbay Gar’adag dhinaca Degmada Ceel-afweyn oo uu ku sugnaan doono ilaa caawa isagoo safarkiisu ku jihaysan yahay dhinaca xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

Warkan waxa baahisay Somaliland Today.