Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI ayaa soo bandhigay ballanqaadyada Madaxweyne Biixi ku ololeeyay ee uu ku fashilmay Iyo gaabiska Mashaariicda Jidka Ceerigaabo Iyo Berbera Corridor

Hoggaamiyaha oo khudbad ka jeediyay Munaasibadda Qalinjebinta ardayda Jaamacadda Hargeysa Waxa uu sheegay in mashaariicda fashilmay ay ka mid yihiin jidka Ceerigaabo iyo Berbera Corridor, sida oo kalena ay guuldarraysteen ballanqaadyo madaxweyne Biixi sameeyay oo horumarka waxbarashada khuseeyay.

Hoggaamiyuhu wuxuu ugu horayn bogaadiyay ardayda qalinjebinaysay “Waxa aan hambalyaynaya dhallinyarada qalinjebinaysa, macalimiintii ku soo dedaashay, maamulkii isku hawlay iyo waalidiintii ku soo tacabtay, waa idiinku hambalyaynaya guusha aad soo gaadheen, waanu idin la faraxsanahay, waxa kale oo aan bogaadinaya waalidiintii idiin soo dhabar adaygtay iyo cid kasta oo idinka kaalmaysay intii ardaydani waxbaranayeen oo sugaysay tacabkooda,” ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Heerka Waxbarashada

“Madaxweyne sida ku qoran warbixinaha wasaaraddu soo saarto 36% kaliya ayaa dadkeena waxbarta oo 64% ayaan waxbarasho helin. Boqolkiiba afar iyo lixdan iyaga oo markii horeba inaga dayacmay, dugsiga hoose (Primary) waxa ku qoran in 257000 arday ay galaan, waxa kale oo dugsiga sare (Secondary) ku jira 54000 arday, waxa aad dareemaysa jaamacadaha labaataneeyo kun uun baa soo gaadha, bal qiyaas madaxweyne dalka aad madaxda ka tahay halka ay aqoontiisu marayso, Duniduna waxay ku horumartaa aqoon oo ay isku dhaaftay,” sidaas ayuu yidhi Mudane Xirsi.

 

“Madaxweyne malaha waad is-macaashiinaysa ee anagu wakhtiga waanu kuu tirinayna oo afartii sanno afartan habeen baa kaa xiga, Manhajka waxbarashadu ma habaysna oo ma midaysna ee manhajyo kala duwan oo dawlado kala duwan leeyihiin ayaa inoo manhaj ah. Muuqaalka ardayda xataa balcadda kama aynu midayn ee nin walba waxa uu doono ayuu u xidhay, kama midaysna saacadaha iyo luuqadaha, kama midaysna dhaqaalaha.

Dhaqaalaha inagaga baxa waxbarashada $ 16 milyan waxa inaga bixiya ajaanib, marka miisaaniyadeena loo eego wali maynaan gaadhin oo aad waliba ku darteen qorshihii Kulmiye ee aad kursiga ku timid in aad daboolaysan oo dhammaystiraysan dhaqaalihii, hadda qabsoo anagu gaadh baanu kaa hayna oo maad gaadhin, lagaama hayo.

 

Waxbarashada gaarka loo leeyahay waxay aad uga cawdeen cadaadis la saaray oo ay ka mid tahay ardayga muwaadinka ah ee lacagtiisa wax ku bartay in la yidhaa waxa laga reebaya deeqaha waxbarasho oo ay cabasho arrintaa ku saabsan saxaafadda soo gaadhsiiyaan Dugsiyo boqol kun oo arday gacanta ku haya.

Madaxweyne waxa idiin qornaa in aad tababaraysan macalimiinta oo ka mid ahayd meelaha aad xoogga saarayseen oo xaqiiqo ahaana loo baahan yahay. Bal dib u eeg 2012-kii 12% baan tababarayn waxaana tababar qaatay 88%, halka imika warbixintu sheegayso in 50% tababaran yihiin boqolkiiba konton ka kalena aanay tababarnayn macalimiintii dugsiyada hoose dhexe, halka dugsiga sare 60% tababaran yihiin, halkii aad tidhi hore Ayaan u dhigaya waxa la sugayay in aad 12-ka dhammaystirtee bal dib bay uga dhacday ee madaxweyne isku noqda adiga iyo jeebkaagu.

Madaxweyne Jaamacadaha xad-dhaafka ah ee Sodoneeyo maraya waad garan karaysa 2010 markii aynu imanaynay waxaynu ku baanaynay waxaanu samayn doona Komishanka tacliinta sare oo xakameeya, markaana tobaneeyo ayay ahaayeen (Jaamacaduhu), maanta 27 ama 28 jaamacood bay marayaan, bal qabso oo guddidii tacliinta sare waad magacowday shaqadiina inooma qabsoomin.

 

Mashaariicda waddooyinka

“Madaxweyne wadada Ceerigaabo waxay ahayd mashruuc Somaliland qabsato kii ugu balaadhna. Sanadkan bilawgiisii Ayaan gaadhigayga ku soo cabiray, waxa laga yaaba in laguu sheego ama aad lambarro dhegaysato, waxa qorshaysnayd in uu dhammaado 2016-kii, marka 96Km Ayaan dhammaystirnayn oo ah laba meelood meel ahaan iyada oo waliba intii samaysnayd soo gaadhay xilli dayactir lagu sameeyo, tacab badan baa iga galay oo maalin walba waan waraysta, todobaadkan waxay maraysa Fadhigaab iyada oo halkii ka soo dhaqaaqday tobaneeyo Kiilomitir, bal ku darso oo labada sanno ee kuu hadhay waynu tartamayna oo doorashadii baynu gelayna.

Hadda ta aan fogayna waddadan aad cishadii dhawayd furtay 12Km ayaad saddexdii sanno ku dhammayseen, hadda waa wadadii aynaan inagu lacagta bixinayn ee ay bixinayeen Imaaraadku ee BERBERA CORRIDOR, waliba in aynu samaysan kari wayno ama wax inaga xumaadan mushkilad ba ma leh ee farsamo xumada xilligii horena aan ka digay haddana u arko in aanay sax ahayn waxa la qaaday wadadii 60Km oo laga dhigay garoon oo imika waxa ka samaysan 19Km meelaha (12Km iyo 7km oo dhawaan lagu daray), intii kale waa raf malaha madaxweynuhu beryahan Berbera uma bixine waa raf beerku ku cadaanayo, bal qabso madaxweyne mashruucii nooca ahaa ee lacagtiisa la inaga bixinayay isna waa ka halkaa maraya,” ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi