Hoggaanka Kulmiye wuxu kullan ballaadhan Berbera ku qaatay hoggaanka xisbiga ee Gobolka Saaxil

Wefti ka socda xisbiga KULMIYE, isla markaana uu hoggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, xubnona ay ka ahaayeen ku-xigeenka labaad Axmed Cabdi dheere iyo xubno kale, ayaa maanta Huteel Maansoor ee magaalada Berbera kulan arrimaha xisbiga lagaga wada hadlay kula qaatay saraakiisha xisbiga KULMIYE u qaabilsan gobolka Saaxil oo ay dhawaan ka bilaabantay qaadashada kaadhka codbixiyayaashu.

Kulanka ay hoggaanka xisbiga KULMIYE la qaateen saraakiisha xisbiga ee gobolka Saaxil, waxa ka qayb galay saraakiisha heer gobol iyo heer degmo ee xisbiga, wasiirro, haween iyo xubno kale, waxana si weyn loogu lafoguray sidii hawlaha xisbiga ee gobolka loo dardargelin lahaa, isla markaana bulshada gobolka loogu dhiirrigelin lahaa inay kaadhadhka codbixinta qaataan, waxana halkaas hoggaanka warbixin ku siiyey xubno door ah oo ay kamid ahaayeen Muxumed Aw Axmed oo isagu ah sarkaalka xisbiga u qaabilsan dhinaca Komishanka doorashooyinka qaranka iyo weliba guddoomiyaha gobolka Saaxil u qaabilsan xisbiga KULMIYE Yuusuf Axmed Maxamed(Halac dhegoole).

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xubnaha xibsiga ee gobolka Saaxil uga mahadnaqay sida ay hawlaha xisbiga u wadaan, waxana uu kula dardaarmay inay dedaalkooda laba jibaaraan, maankana ku hayaan sidii shacabka gobolku u wada heli lahaayeen kaadhadhkooda codbixinta.
Xubnaha xisbiga ee gobolka, ayaa iyaguna warbixin faahfaahin siiyey hoggaanka, waxana si gaar ah warbixintooda diirrada ugu saareen caqabado ay tirsanayaan dadka gobolku, kuwaas oo ku saabsan helitaanka kaadhadhka codbixinta oo ay caqabado cusub kasoo kordheen, waxana ay codsadeen in lagala hawlgalo sidii caqabadahaas mee sha looga saari lahaa, iyaga oo hoggaankuna ballan ku qaaday inay kala hawlgeli doonaan sidii meesha looga saari lahaa wax kasta oo caqabad ku ah inay shacabku helaan kaadhadhkooda codbixinta.

 

bandhige@gmail.com