Hoggaanka mucaaridka Burundi oo mudaharaadyo ku baaqay iyo dalka oo burbur qarka u saaran

Hoggaamiyeyaasha mucaaridka Burundi ayaa sheegay in ay isu-soo-baxyo lagaga soo horjeedo Madaxweyne Pierre Nkurunziza ku qaban doonaan magaalo-madaxda Bujumbura maalinta Salaada.

Baaqani wuxu yimid iyadoo dhawr ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaridku ay isaga baxeen dalka halka ay qaar kalena qarsoodi iyo dhuumaalaysi ku jiraan.

Sidaas daraadeed, lama hubo tirada hoggaamiyeyaasha mucaaridka ee Salaasada hor kici doona isu-soo-baxyadan ay ku baaqeen mucaaridku.

Mudaharaaddada ayaa ayaa xooggoodu dhaceen bilihii April iyo May kadib markii ay dad badani ka dhiidhiyeen madaxweynaha talada haya Nkurunziza oo mar saddexaad go’aansaday in uu isku soo sharaxo madaxnimada dalkaas, taas oo ay mucaaridka iyo ururrada xuquuqda aadamuhu ku tilmaameen in ay lid ku tahay dastuurka dalkaas, maadaama uu madaxweynuhu laba jeer ooh ore soo qabtay talada dalka.

Isu-soo-baxyadii dhacay oo sababi gaadhay inqilaab milatari waxa ka dhashay khasaare naf iyo maalba leh.

Waxa ku dhintay in ka badan 20 qof, halka 90, 000 oo qof oo kalena ay u qaxeen dalalka deriska.

Doorashada baarlamaanka ayaa la qorsheeyey inay dhacdo 5ta June 2015, ta madaxweynahana waxa loo muddeeyey in ay qabsoonto 26ka June, waxana laga cabsi qabaa in uu ka dhasha qalalaase horseedi kara burburkii Suuriya ama kii Soomaaliya oo kale.

Dhinaca kale hoggaamiyeyaasha waddamada bariga Afrika oo ka kooban Ruwaanda, Kenya, Tansaaniya iyo Yugaandha iyo madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa codsaday Isniintii in doorashooyinka Burundi dib loo dhigo muddo bil iyo badh ah.  Sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyadu Guddida doorashooyinka ayaa iska leh soo-jeedinta dib-u-dhigista doorashada, dawladduna way ku taageeri kartaa haddii  ay aragto inay suurtogal tahay.

Hogaamiyayaasha mucaaridka iyo ururrada xuquuqda aadamahu waxay sheegeen in tartamida madaxweyne wakhtiga saddexaad tahay xadgudub dastuuri ah oo kasoo horjeeda laba teeram ee dastuurku u ogol yahay tartamida madaxweynaha iyo heshiishkii nabada ee 2006dii ee lagu soo gebo gebeeyey dagaaladii sokeeye ee socday 13ka sanno.

bandhige@gmail.com