Hoggaanka sare ee dalladda dhallinyarada SONYO oo kulan la qaatay Madaxwenye-xigeenka

Madaxweyne-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” ayaa kulan ballaadhan xafiiskiisa kula yeeshay hoggaanka sare ee dalladda dhallinyada SONYO.

Kullankan waxay ujeeddadiisu ahayd gudbinta warbixin ku saabsan socdaalkii xubnaha dalladda SONYO ay ku soo mareen gobollada iyo degmooyinka dalka.

Waxaa halkaas ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Dalladda SONYO Siyaad Cumar Cali.  Ugu horeyn wuxu ka mahad-caliyey Madaxweyne-xigeenka oo aqbalay in uu la kulmo. Intaa ka wuxu guddoomiyuhu faahfaahin ka bixiyey ujeeddada kulankan, waxanu yidhi:

‘’Socdaalkayagu waxaa uu ahaa in la ogaado baahiyaha kala duwan ee dhallinyarada Somaliland min degmo ilaa gobol.  Waxaanu  ku soo marney 15 degmo oo ka tirsan Somaliland waxaanan dhallinyarada kala hadleynay oo aanu ka waaninay sidii ay iska ilaalin lahaayeen dhibaatooyinka dhallinyarada haysta sida tahriibka , qabyaaladda Iyo balwadaha.”

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Gudoomiye-xigeenka dallada SONYO Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, waxaanu yidhi:

“Marka hore Madaxweyne-xigeen waxaan kaaga mahadnaqeynaa kulanka aad xafiiskaaga nagula yeelatay.  Waxaynu ka warqabnaa in bulshadeena Somaliland ay 75 %  dhallinyaro yihiin dallad ahaana waxaanu u heelan nahey sidii dhallinyaradaasi looga jihayn lahaa oo wax loogala qaban lahaa dhibaatooyinka dhallinyarada haysta sida shaqao la’aanta iyo tahriibka.”

Sidoo kale Agaasimaha fulinta ee dallada SONYO Siciid Maxamed Axmed oo isna kulankaas ka hadley ayaa yidhi:

’Runtii waxaan aad ugu faraxsanahay in aad kulankan qiimaha leh nagu soo dhawayso. Warbixintan aanu kuu soo gudbinayna waxay ka turjumaysaa baahiyaha kala duwan ee dhallinyarada Somaliland maanta ay u baahan yihiin waxaanan jecelnahay in guddi loo saaro hawshaas fullinteeda adna aad la-taliye nooga noqoto isha’allaah.”

Ugu dambayntiina waxa halkaas ka hadlay Madaxweyne-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” waxaanu yidhi:

‘’Waxa madasha ka muuqda in aad xil wayn isa saarteen. Aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, hawl wanaagsan ayad soo qabateen oo masuuliyaddii dhallinyarada ayaad dusha u ridateen, taasi oo aad isku daydeen in aad soo ogaataan xaaladahooga oo aad xogogaal u noqotaan oo aad gaadhaan degmooyin badan oo kala duwan ee dalka, waxaana hore loo yidhi qofka intaan hawl loo dirin waxa ka wanaagsan in uu isagu is diro, runtii waan soo dhaweynayaa hawshaasi aad soo qabateen.”

Isaga oo Madaxweyne-xigeenku hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi:

“Waan akhrisan doonaa warbixinta aad iisoo gudbiseen, iyada oo aan wada ognahay in uu yahay dalkeenu dal soo koraya oo curdin ah, oo waxa laga qaban karaa uu yar yahay, haddana diyaar ayaanu la nahay ka xukuumad ahaan wixii aanu ka qaban karno insha Allah.”

bandhige@gmail.com