Hoggaanka xisbiga UCID waxay qado-sharaf ku maamuuseen Daahir Rayaale

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, Musharaxa Madaxweynaha Jamaal Cali Xusee iyo xubno ka mid ah madaxda sare ee UCID ayaa qado-sharaf ku maamuusay Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin.

Hadhimo-sharafeeddani waxay ku qabsoontay Ambassador Huteel, Hargeysa, waxana ka soo qayb galay yaasiyiin aad u tiro badan oo isugu jiray qaar hore uga tirsanaan jiray xisbigii UDUB iyo siyaasiyiin kale oo madaxbaan, ganacsato, iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Waxaa munaasibadaa ugu horeyn ka hadlay musharaxa Madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, waxaanu hadalo amaan ah u soo jeediyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu yidhi sidan’’ runtii xisbiga UCID hadii aanu nahay sharaf ayay noo tahay in aanu qado sharaf ku casuuno madaxweynihii hore ee Somaliland, halkaana waxaa kaaga cad dimuqraadiyada Somaliland, in marka uu madaxweynaha  xilku kaa dhaamado ka dega, uu si maamuus iyo qadarin leh ugu dhex noolaan karo dadkiisa shacabkiisa, waana mid uu hore u shaqaystay Daahir Rayaale.

Dhinaca kale Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna ka hadlay munaasibadan waxaanu yidhi ‘’ marka hore ilaahaybaa mahad iska leh, munaasibadan qado sharafta ah waxaanu ugu talagalnay in aanu ku casuunoo Madaxweynihii hore ee Dalka Daahir Rayaale Kaahin, mana aha mid aanu siyaasad uga jeedno ee waa mid aanu ugu samaynay mudnaansho uu mudan yahay Daahir Rayaale.

Mar uu Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaayey  Xisbigan UCID waxaa uu yidhi “ Xisbigan UCID dhamaan Golihiisa Dhexe wuu samaysan yahay waanu dhan yahay,  shirarkiisiina wuu qabsaday,Xisbiga UCID maanta afaryo toban sano ayuu jiraa, laakiin hadaanu is nidhaa la tartama Waddani oo hadda abuurmaya waanu saqiiraynaa.”

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay qodobada ugu mihiimsan ee lagu xasuusan doono madaxweynihii hore ee Somaliland waxanu yidhi’’ Daahir Rayaale waa nin dalka wax badan u qabtay kuna leh, barigii alle ha unaxriistee uu dhintay Madaxweyne Cigaal waatii uu hogaanka la wareegay daahir rayaale, odayaalbaa ula yimid oo ku yidhi Daahirow hanu kuu kordhino Saddex sanno, sida guurtida imika odaysa, wuu diiday Daahir Rayaale waanu ka dhaartay,waxaanu yidhi doorasho ayangalayaa waanu galay,waxan ku tilmaami lahaa Madaxweynihii dimuqraadiyada ino hirgaliyey inuu yahay.

Waxa kale oo aan la ilaaweyn maalintii anaga oo gardaran aanu boobnay Gudoomiyihii Baarlamaanka, ee uu noo ogolaaday, taasina waxay ku dareensiinaysaa inuu yahay Rayaale in dalka u damqanaaya oo dhawraaya, waxaanu inaga mudan yahay sharaf iyo kaaraamo..”

Ugu danbayntiina waxa munaasibadan ka hadlay Madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin waxaanu halkaa ka soo jeedieyey hadalo isugu jiray mahadcelin iyo duco waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan ‘’salaanka ka dib marka hore aad ayaan ugu mahadnaqayaa dhamaan dadka milgaha iyo sharafta leh ee ka soo qayb galay xafladan, runtii maanta madashani maaha mid siyaasadeed ,aniguna sidaan horeba u sheegay waxaan ahay Oday Somaliland ah, runtii aniguna wixii talo ah ee aan bixin karo hadii aan u sheegayo gudoomiye xisbi iyo hadaan u sheegayo Madaxweyneba waan U sheegi karaa, laakiin anigu Xisbi aan ka tirsanahay ma jiro.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Ilaahay waxaan ka baryayaa inay somaliland hore u socoto oo ay hana qaado, wixii wax yeelayana ilaahay hareer mariyo, wixii khilaaf ahna laga heshiiyo haddii alle yidhaa ilaahay raxmaadkiisa kala duwan ha ina siiyo, waxaanan ilaahay ka baryeynaa inuu inaga saaro abaaraha ina haysta.” ayuu yidhi Madaxweynihii hore ee Somaliland