Hooyo wiilkeedi heshay 32 sano kaddib markii Lagu Kala Iibsaday Lacag Kun Doolar Ka Yar

32 sano ka hor ayaa la afduubay, 100 kun oo jeer ayaa baafin sawirkiisu la socdo warbaahinta lagu faafiyey, 300 oo jeerna dabagal ay hooyadii ku samaysay raadad ay filaysay in ay ku hesho wiilkeeda maqan ayaa guuldarraysatay kaddib marka ay ku hoggaamiyeen cid aan wiilkeeda ahayn. Si kastaba ha ahaato ee hooyadani habeenna kama ay seexan raadintiisa, illaa ay ugu dambayntii ku guulaysatay in ay mar labaad laabta ku qabatay.

Mao Yin oo u dhashay dalka Shiinaha isaga oo laba sano jir ah ayaa la afduubay sannadkii 1988 kii, kaddib markii aabihii uu daqiiqado yar kelidii kaga tegey huteel si uu biyo u soo iibiy. Kaddib, tuugtii xadday waxa ay lacag maanta u dhigmaysa 845 doolar kaga iibiyeen qoys aan ubad dhalin oo ku nool degmo 700 oo kiiloomitir u jirta degmada ay ka afduubeen.

Wiilkan oo uu waalidka iibsaday u bixiyey magac cusub oo ah Gu Ningning, waxa uu dhamaystay waxbarasho jaamacadeed, kaddibna waxa uu aasaasay ganacsi dhinaca nashqadaynta gudaha guryaha ah.

Nasiib wanaag isniintii 19 ka May ayaa uu mar kale dib ula midoobey waalidkiisa runta ah, iyada oo munaasabaddaas dib u midowga ah iyo dareenka farxadeed ee waalidkii si toos ah uu bilaysku uga sii daayey talefishanka dawladda Shiina ee CCTV.

Mao, oo imika maamula ganacsi qurxinta guryaha ah, waxaa horraantii bishii May aqoonsaday bilayska magaalada Xian ee dalka China oo isticmaalayey teknoolajiyada aqoonsiga wajiga iyaga oo barbar dhigaya muuqaalka sawirro laga hayey carruurnimadiisii intii aan la afduubin, baadhitaanno DNA oo dheeraad ah ayaana lagu sii xaqiijiyey.

Xigasho: Geeska Afrika