Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil oo waaran qabasho ah la dul dhigay
Maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee marka magaceeda lasoo gaabiyo la yidhaa, ICC ayaa soo saartey waaran qabasho ah, kaas oo lagu soo xidhayo Ra’iisal wasaaraha Israa’iil Netanyahu iyo wasiirkii hore ee difaaca Yoav Gallant.
Maxkamadda ayaa ku eedeysey dembiyo dagaal oo ka dhan ah bini-aadanimada oo ay ka gaysteen Gaza intii uu socdey dagaalka u dhaxeeyey Israa’iil iyo Xamaas. Israa’iil ayaa dagaal aduunku wada cambaareeyay ku haya dadka iyo dhulka reer Falastiin.
Weerarkan oo inta uu socdo sanad dhaafay, ayaa ciidamada Israa’iil ay ku dileen dad sare u dhaafaya afartan kun, sidoo kalena ku barakiciyeen milyan reer Falastiin ah. Marinka yar ee Qasa ayaa la baxaadegaya burbur ba’an oo weerarrada Israa’iil ka geysteen halkaas.
Xigasho:Wargeyska Dawan
Bandhige@gmail.com