Ilmihii Falastiiniga ahaa ee ay Yuhuuddu nolosha ku gubeen oo aabihii maanta la aasay

Cali Sacad Dawaabshe oo todobaadkii hore u geeriyooday dab ay Yuhuud xag-jir ahi qabadsiiyeen gurigii qoyskoodu ku noolaa ayaa isla dhibkii dabkaas ka soo gaadhay waxa u geeriyooday Cali aabihii oo la odhan jiray Sacad Dawaabshe oo 32jir ahaa.

Waxay noqotay dhacdo aad u xanuun kulul oo dunida oo dhan soo jiidatay iyadoo ay maanta boqolaal kun oo Falaystiiniyiin ahi isku soo baxeen isla markaana ay shucuur qiiro leh ka dul muujiyeen xabaashii lagu aasayey Sacad Dawabshe.

Waxa iyaguna ilaa hadda xaalad adag ku jiray Axmed oo ah wiil yar oo la dhashay Cali iyo hooyadii Rihaam oo iyaguna ku gubtay gurigan ay Yuhuudda la deegaameeyey dabka qabadsiiyeen.

Xukuumadda Israa’iil ayaa sheegtay in ay caddaaladda hor keenayso ciddii falkan ka dambaysay, hase ahaatee ilaa hadna cidna ma ay soo xidhin, taas oo dunida ku noqotay wax lala yaabo maadaama la og yahay awoodda sirdoonka ee Israa’iil in ay tahay mid aanay ku dhex dhuuman karin dad danbi caynkan oo kale ah gaystay.

Xukuumadda Falaystiiniyiinta ayaa tibaaxday in ay dambigan si dhammaystiran uga mas’uul tahay xukuumadda Israa’iil, sidaas daraadeedna ay kiis Israa’iil ka dhan ah ka furanayaan Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ah.

Madaxda adduunka oo ay ku jiraan kuwa reer-galbeedku ayaa cambaarayn weyn u soo jeediyey Yuhuuddii falkan gaysatay, xukuumadda Israa’iilna waxay ugu baaqeen in dambi-falayaashii caddaaladda la hor keeno.

Qaramada Midoobay ayaa diwaangelisay in Yuhuudda la deegaameeyey ay 120 weerar ku soo qaadeen Falastiiniyiinta laga soo bilaabo bilawgii sannadkan. Tani waxay ka dhigan tahay in ay Yuhuudda xag-jirka ahi caadaysteen baacsiga Falastiiniyiinta ay dhulkoodii boobeen.

Dhanka kale, ururro u dooda xuquuqda oo fadhigoodu yahay Israa’iil ayaa diiwaangeliyey in 92% (boqolkiiba sagaashan iyo laba) falastiiniyiinta u dacwoota saldhigyada bilayska kiiskooda la iska tuuro.

Bandhige@gmail.com