Ilmo saqafka sare ee madaxu maqan yahay oo cimrigiisu dhaafay wakhtigii dhakhaatiirtu saadaaliyeen

Jaxon Buell wuxu sannadkii hore ku dhashay Maraykanka isaga oo qaybta sare ee daboolka u ah madaxiisu ay maqan tahay. Dhakhaatiirtu waxa ay waalidkiisa u sheegeen in uu noolaanayo wax aan todobaaddo ka badnayn, laakiin bishii sideedaad ee sannadkan ayaa waalidkiisu u dabaaldegeen sannad-guuradiisii koowaad.

Waalidiinta dhalay oo la kala yidhaa Brandon iyo Brittanny  ayaa dhakhaatiirtu u sheegeen in ilmahooda ay wax weyni ka khaldan yihiin markii uu uurka ku jiray 17 wiig, hase ahaatee dhakhaatiirtu waxa ay caddayn kari waaweeyn waxa ka khaldani waxa uu yahay.

Waalidiinta waxa lagula taliyey in ilmahan hooyada laga soo xaaqo hase ahaatee labada waalid markii ay ogaadeen in xanuun ku taagan ilmahani aanu jirin isla markaana aanay hooyadu halis ku jirin waxa ay go’aansadeen in aan laga soo ridin.

“Ilaahay baanu ku kalsoonaanay, waanu diidnay in ilmahayaga la soo rido markii uu uurka ku jiray” ayey yidhaahdeen Brandon iyo Biritanny.

Ilmo saqafku go'an yahay2

Ilmahan ayaa la sheegay in uu ku dhacay xanuun dhif ah oo ay adag tahay sida loo arkaa oo la yidhaa “microhydranencephaly”, xanuunkaas oo dhib u gaysta lafaha madaxa mararka qaarna maskaxda taabta.

Jaxon hadda wuxu jiraa 13 bilood. Miisaankiisu wuu ka hooseeyaa inta carruurta da’diisa ah, waxana la saadaalinayaa in uu mar walba ahaan doono qof nis yar oo miisaan fudud, waaba haddii uu sii noolaado’e sida ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin.

“Wuxu leeyahay indho nuuraya, waxyaabaha qaar wuu garanayaa, musqusha si caadi ah ayaa loo geeyaa, xafaayaddu marka ay wasakhowdo wuxu doonayaa in laga beddelo, waa ilmo yar oo feejigan, waanan jecel nahay, mustaqbalkana waanu ka dhur sugaynaa” ayay yidhaahdeen waaldiintiisu.

Ilmo saqafku go'an yahay3

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah uga baahan tahay, ka eeg Facebook-ga waalidiintiisa.

Il-wareed: cnn