“Imaaraadka Carabtu wuxu Somaliland ka fulin doonaa mashaariic cusub oo shaqo-abuur, waxbarasho iyo caafimaadba leh” Baashe Cawil

 

“Soo dhoweynta wefdiyada inoo yimaada iyo ilaasashada waxqabadkoodu waa waajib saaran shacabka….”

Mr. Baashe Cawil Cumar, Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta.

Sida ku dhigan war-saxaafadeed uu baahiyey Wargeyska Himilo, Baashe Cawil Cumar, Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka ayaa shaaca ka qaaday in dhowaan dalka laga hirgelin doono mashaariic la xidhiidha shaqo-abuur iyo dhinacyada Waxbarashada, caafimaadka oo laga fulin doono magaalooyin ka tirsan dalka.
Mr. Baashe Cawil oo shalay dalka ku soo noqday ayaa sheegay inuu gogol-xaadh u yahay wefdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo dhowaan dalka iman doona, isla markaana ka fulin doona mashaariic kala duwan iyo qiimaynta kuwii hore, waxaanu yidhi:

“Waxaa dhowaan dalka iman doona wefdi ka socda Imaaraadka oo qiimayn ku samayn doona mashaariicda balaadhinta biyaha Xumba-weyn iyo mashruucii dhismaha daamamka ee dhowaan la soo ogolaaday dhaqaalahiisa.
Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliland, Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay in mashaariic cusub oo dhinaca shaqo-abuurka iyo dhinacyada waxbarashada iyo taageerada ku saabsan dhowaan dalka ka fulin doono dalka Imaaraadku, waxaanu yidhi:

“Mashaariic kaloo cusub ayuu dalka Imaaraadku ugu deeqay Somaliland, oo mid laga fulin doono afarta magaalo ee Boorama, Hargeysa, Berbera iyo Burco, kuna saabsan xafiisyo fuliya hawlaha dhinacyada gargaarka, caafimaadka, waxbarashada iyo kobcinta Diinta oo hay’adda Al Khaliifa Foundation fulin doonto. Mashruuca labaad waa mid shaqo abuur, isla markaana lagu dhisayo wershad ay yeelato xukuumada Somaliland oo hilibka xoolaha lagu qallo, loona iibgeyn doono dalka Imaaraadka, arrimaha oo sare u qaadi doona xidhiidhkii iskaashi ee u dhexeeyey labada wadamn.”

Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa la yaab ku sheegay hadalka mala’awaal ah dadka qaarkood warbaahinta ku baahiyaan, isla markaana ugu sawiraya waxtarka dalka Imaaraadku ka fuliyo Somaliland, sifo khaldan, waxaanu yidhi,
“Waxaan marar warbaahinta ku arkaa dad fikir khaladan ka bixiya waxtarka iyo mashaaruiicda dalka Imaaraadku ka fuliyo dalka, waana nasiibdaro in la aflagaadeeyo mashaariic wadan kale ku caawinayo shacabka Somaliland sawir khaldan laga bixiyo, haddaba waxtar kastoo dunnida aynu ka helo ama dalka Imaaraadka, maadama ay faa’iidadiisa yeelanayaan shacabka Somaliland, soo dhoweynta wefdiyada inoo yimaada iyo ilaasashada waxqabadkooduna waa waajib saaran shacabka.