Imaatinka Farmaajo ee Hargaysa iyo mawqifka xisbiga WADDANI

Afhayeenka guud ee xisbiga WADDANI  Mudane Barkhad Jaamac Batuun oo saaka warbaahinta la hadlayay ayaa ka hadlay qodobo ay kamid yihiin kulankii Madaxweynaha Somaliland la yeeshay Farmaajo iyo qodobo kale oo muhiim ah:

Afhayeenka guud ee xisbiga WADDANI  Mudane Barkhad Jaamac Batuun ayaa sheegay in madaxweyne Biixi oo labadii sanno ee uu xilka hayay khudbad kasta oo uu jeediyo ku maagayay madaxweynaha Soomaaliya  maalmihii u dambeeyay wax warbixin ah ka siin kari la yahay shacabka Somaliland arrimaha quluubtooda gilgilay ee ay ka mid tahay kulankii uu Addis Ababa kula yeeshay madaxweyne Biixi madaxweynaha Soomaaliya iyo arrimaha ku saabsan in Farmaajo Hargeysa imanayo.

“Dastuurku JSL wuxuu dhigaya masuuliyadda dalka cidda haysa in ay madaxweynaha iyo xukuumaddiisa tahay. Sabab Abiy iyo Itoobiya umadda loogu jeediya ma taallo Somaliland maanta, cidda ay tahay in ay umadda soo hor istaagto oo umadda Somaliland cafis waydiisata waa Madaxweynaha, waxaanu leenahay madaxweyne soo bax umadda soo hor istaag dalka iyo dadka cafis waydiiso,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Barkhad Jaamac Batuun.

Afhayeenka Guud ee xisbiga WADDANI wuxuu sheegay in Mawqifka xisbiga WADDANI markasta yahay mid ku taaggan masiirka Qarannimada bulshada Somaliland hore u qaadatay “Mawqifka xisbiga WADDANI, Xisbiga WADDANI wuxuu mar kasta u hoggaansan yahay masiirka umadda Somaliland. Waxa uu tixgelinaya qodobka 127-aad ee Dastuurka oo sheegaya Qarannimada Somaliland iyo jiritaankeedu mid aan gorgortan gali karayn in ay tahay, mid aanay dhawr qof qolal ku goyn karayn masiirkeeda in ay tahay. Umadda Somaliland masiirkeeda ayuu xisbiga WADDANI markastaba ku shaqaynaya. 30 sannadood ayay Somaliland u silcaysay sidii calankeedu mar uun dunida daafaheeda uga baban lahaa, waa maba’diida xisbiga WADDANI uu qabo iyo mawqifka uu jiritaanka JSL ka taaggan yahay,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Barkhad.

Afhayeenku waxa uu bulshada Somaliland ku bogaadiyay sida ay uga gilgisheen ee u difaaceen Qarannimada Somaliland “Aniga oo ku hadlaya afka Xisbiga, ka Guddoomiyaha, ka fulinta, laamaha dibadda, afka taageerayaasha xisbiga waxaan si kal iyo laab ah u hambalyaynaya shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee dareenka dadnimada san ku dheehan yahay kaga falceliyay weerarka qaawan ee jiritaankooda iyo midnimadooda ummadeed lagu soo qaaday, fashilka xukumadeed ee Kulmiye dalka uu baday iyo falcelintooda. Waxaanu umadda ugu hambalyaynayna aragtida saliimka ah ee ay qaateen waxaan ugu baaqayna midnimadooda, Qarannimadooda, wada jirkooda, sharaftooda, calankooda, haybadooda intaba in ay ilaashadaan,’ Sidaas ayuu yidhi Mudane Barkhad Jaamac Batuun.

Afhayeenku waxa uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ka bari-yeelay in uu wax ka ogaa kulanka Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi.

“Guddoomiyaha xisbiga WADDANI wuxuu joogay Addis Ababa, wax ogaal ah oo uu ka qabay may jirin kulankii dhexmaray Farmaajo iyo madaxweyne Biixi. Waxay ahayd wax ku kooban shakhsiyaad Qarankuna wax masiirkiisa ay shakhsiyaad ka taliyaan wuu ka weyn yahay. Labada xisbi Qaran wax talo ah oo ay xukumaddu soo waydiisay ma jiro haba yaraatee, meel xukumaddu kula tashatay ma jirto, goleyaasha baarlamaankana wax talo ah oo ay waydiisay ma jirto, waxaanu ka bariyeelayna guddoomiyahayaga iyo xisbigaba in aanay wax allaale wax uu ka ogaa jirin falalkaas foosha xun ee Qaranka soo wajahay,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga WADDANI.

Afhayeenku wuxuu ugu baaqay Golaha Baarlamaanka Somaliland in ay maalinta barri ah waydiiyaan madaxweynaha su’aalo ku saabsan mariiska JSL, kana waantoobaan in ay sacabka u tumaan.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in guddoomiyaha xisbigu la hadli doono shacabka Somaliland faahfaahina ka siin doono arrimaha siyaadda iyo mawqifka xisbiga WADDANI.