Indonesia oo dil toogasho ku fulinaysa 9 ajaanib oo daroogada Tahriibiya

Dowladda Indonesia ayaa la filaya in gelinka dambe ee maanta ay dil toogasho ku fuliso ilaa 9-qof oo lagu qabtay iyagoo si sharci darro ah uga ganacsanayaan daroogo.

Sabtidii lasoo dhaafay ayaa Xeer ilaaliyaha guud ee Indonesia si rasmi ah ugu dhawaaqay in mudo 72-saacadood gudahood xukunka dilka toogashada lagu fulin doono ajaanibta.

Ajaanibta ayaa u kala dhashey wadamada Australia, Brazil, France, Ghana, Nigeria, Philippine balse muwaadinka reer France ayaa xukunkiisa ka qaatay racfaan.

Dadkan ayaa la qabtay sanadkii 2005 xilli ay rabeen in ay si dhuumaleysi daroogo uga dhoofiyaan Indonesia ayna geeyaan Australia.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Australia haweenayda la yiraahdo Julie Bishop ayaa ugu baaqday masuuliyinta Indonesia in ay hakiyaan xukunka iyadoo ay socdaan baaritaano la xiriira musukh-maasuq kadib markii xeer ilaalinta lacago boqolaal kun oo doolar si ay u khafiifiyaan xukunka.

Dalka Indonesia ayaa ah wadanka ugu musukh maasuq badan qaaradda Asia.

Qoysaska maxaabista ayaa loo ogolaaday in ay ku booqdaan xabsiga oo ku taalla jaziirad cidlo ah, waxaana qoysaska iyagoo barooranaya ugu baaqay Indonesia in ay ka laabtaan go’aankeeda dilka toogashada.

Madaxweynaha dalka Indonesia ayaa sheegay in xukunka uu yahay mid cadaalad ah isla markaana aysan ka laaban doonin, qeybna ka tahay la dagaalanka daroogada.

Bilowgii sanadkan ayaa lix ajaanib oo u kala dhashey wadamada Holland, Brazil, Vietnam, Malawi iyo Nigeria la diley kadib markii lagu helay kiis la xiriira ka ganacsiga daroogada.