Ingiriiska iyo Maraykanka oo ka shaki qaba in qarax bam soo riday diyaaraddii Ruushka ee Sinai ku burburtay

Saraakiisha sirdoonka Maraykanka iyo Ingiriiska oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay suurto gal tahay in qarax bam soo riday diyaaraddii Ruushka ee sabtidii ku soo dhacday buuraha Sinai ee Masar, oo 224 qof ay ku dhinteen.

Saraakiishan ayaa sheegay in hadal isgaadhsiinta dhexda laga qabtay uu tilmaamayo suurta galnimada ah in kooxda Daacish ay mas’uul ka ahayd shilkan.

Sidoo kalena Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska Philip Hammond ayaa isaguna sheegay in suurto gal tahay in burburka diyaaradda sababeen waxyaabaha qarxa oo hore diyaaradda la saaray.

Dhinaca kale dawladda Ruushka ayaa ka soo horjeesatay wararka Maraykanka iyo Ingiriisku shaaciyeen, sheegtayna in wararkani yihiin qaar aan dhameystirnayn oo ka soo hor maray baadhitaanka gacanta lagu hayo.

Warar kale ayaa sheegaya in maydadka dadkii ku dhintay burburka diyaarada laga filidhyo qarax galay, sidoo kalena waxay wali khubaraddu wadaan baadhitaanka burburka diyaaradda.

Madaxweyne Masar Abdifataax Al-sisi oo haatan booqasho ku jooga Ingiriiska ayaa ku gacan saydhay wararka Ingiriiska iyo Maraykanka baahiyeen iyo sheegashada Daacish, oo uu ku tilmaamay in ay tahay dacaayada lagu wiiqayo ammaanka Masar.

bandhige@gmail.com