Ingiriiska oo ciidamo u diraya Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya

Hawgalada Nabad-Ilaalinta Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya ee hoggaaminayaan Qaramad Midoobay ayaa filayaa in ciidamo gaadhay ila 300 oo askari oo Ingiriis ahi ku soo biiraan.

Ciidamadan ayaa waxay siin doonaan ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Koonfurta Suudaan iyo Soomaaliya dhinaca tababarada, caafimaadka iyo hawgalada.

Ciidamada Ingiriiska ah inta ugu badan ayaa waxa la gayn doonaa Koonfurta Suudan oo siin doonaan tababaro iyo talooyin dhanka farsamada dagaalka ah.

Ciidamada Nabad-Ilaalinta Soomaaliya jooga ee AMISON ayaa waxa baryahan dambe la soo darsay weeraro ay u gaystaan kooxda Al-shabaab oo khasaare weyn u gaystay, taasi awgeed ayaa ciidamada Ingiriiska ee tegaya Soomaaliya ayaa waxay ka caawin doonaan dhinaca hawgalada iyo caafimaadka.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa sheegay in ciimadiisu ay waddamadaas ka caawin doonaan ka hortega argagaxisada iyo tahriibka.

bandhige@gmail.com