Ingiriiska oo hakid galiyey duulimaadyaddii aadi jirey Sharma Sheekh

Diyaaradda Ruushka laga leeyahay oo sida 224 qof ayaa waxay sabtidii ku burburtay jaziiradda Sinai, taas oo ay ururka Daacishna sheegteen in ay soo rideen, sidoo kale waxa uu Ingiriisku sheegay in ay macquul tahay in diyaaradda loo isticmaalay waxyaabaha qarxa.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska Philip Hammond ayaa ku dhawaaqay in hakid la galiyey dhammaan duulimaadyadii aadi jiray Sharma Sheekh ka dib markii ay heleen ilo kala duwan oo lagu ogaaday in diyaaaradda loo isticmaalay waxyaabaha qarxa.

Maraykanka ayaa isaguna xoojiyey hadalka xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska, xubo ka tirsan sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in bom la geliyey guddaha diyaaraddd.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar Sameex Shukri ayaa waxa uu ku tilmaamay go’aanka Ingiriiska in ay talaabo degdeg ah oo laga hordhacay natiijada baadhitaanka socda.

Sidoo kale wasiirka sheegay in talaabadani saameyn doonto malaayiin qof oo Masaari ah oo ku tiirsanaa dhaqaalaha dalxiisayaash.

Go’aankan Masar ayaa ku soo beegmay wakhti uu Madaxweyne Cabdifatax Alsis uu safar booqasho ku joogo Londhon, halkaas oo uu kulamo la yeelanayo madaxda Ingiriiska.

bandhige@gmail.com