Ingiriiska oo ka cabsi qaba roobab iyo dabaylo xoogan

Dalka Ingiriiska oo haatan ka da’ayaan roobab ayaa waxa la saadaalinayaa in ay ku soo food leeyihiin roobab iyo dabaylo xoogaan, waaxda cimilada Ingiriiska ayaa waxay bixiyeen ilaa hadda afar digniinood kuwaas oo ka walwalsan xaaladda iyo waxyeelada ay gaysan karaan.

Sidoo kale booliska Ingiriiska ayaa waxay sheegay in roobabkan haatan da’a daadadkii ka dhashay ay dadku guryahooda ka qaxeen, booliskuna sheegeen in tuugo bililiqaysteen guryihii laga qaxay.

Dhammaanba waxa la hakiyey diyaaraddihii aadi jiray Ingiriiska, sidoo kalena daadadku waxay sababeen laydh la’aan soo waajahday kumanaan qof.

Wali waxa jirta cabsi laga qabo roobab iyo dabaylo hor leh oo ka  kuwaasi culimadda saadaashu bixiyeen afar digniinood.

bandhige@gmail.com