Ingiriisku waxa uu sideed iyo labaatan milyan ku bixinayaa dhiiri-gelin dumarka Muslimiinta

Dumarka Muslimiinta ee ku nool Ingiriiska ayaa waxay yihiin qaar luqadda Ingiriisku ku adag tahay, balse waxay maanta dawladda Ingiriisku ku dhawaaqday in ay sideed iyo labaatan milyan oo doolarka Maraykanka in ay ku bixinayso sidii dumarkaasi u baran lahaayeen luqada Ingiriisiga.

Maal-gelinta ayaa waxa uu ka mid yahay barnaamijka isdhex-gal  bulshada iyo la dagaalanka argagaxisada.

Raysal wasaare David Cameron ayaa waxa uu ku eedeeyey raga Muslimiinta ah in ay ku dhaqmaan dhaqan aad u xun oo dambeeya , oo ay six un ugu taliyaan tobanaan kun oo haweenka Muslimiinta ah ee ku nool Ingiriiska oo aan ku hadli karin luqada Ingiriisiga, taasi oo ayna xuquuqdooda sheegan karin, waa sid uu hadalka u dhigay David Cameron.

Sidoo kale waxa arrintani saamayn doontaa dumar ka fiisaha xaaska ah ku yimaada Ingiriiska kuwaas oo laga qaadi doon imitixaan luqada Ingiriisiga ah, taasi oo aan wakhtigii hore jirin.

 

 

bandhige@gmail.com