IRADA iyo UNFPA waxay wadajir u qabteen kulan lagaga hor tagayo guurka qasabka ah kuna qabtay magaalada Hargeisa

Ururka Inititive for Research and Development Action marka la soo gaabiyana la yidhaahdo IRADA horayna loo odhan jiray Training and Research Group “TRG”  oo mashaariic ka waday Somaliland tan iyo 2004 ayaa sanadkii ugu danbeyay ee aan ku jirno waday mashruuc ku sahabsan tacadiya haweenka ka dhanka ah  bilihii ugu danbeeyayna waday, gaar ahaan wuxu gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil ka waday dedaalo lagaga hortagayo hablaya iyagoo aad u da’yar lagu khasbo cid aanay doonayn in ay guursadaan.

Kulankii ugu dambeeyey ee arrintan ku saabsan wuxu soday 6 cisho waxaana ka soo qayb galay 100 qof oo ka socda bulshaweynta kala duwan ee degan magaalada Hargeysa, maamulka iyo shaqaalaha IRADA, iyo bixiyehaashii casharadan.

Xidhitaankii kulankan oo Bandhige goob joog ka ahaa waxaa ka soo qayb galay maamulka iyo shaqaalada IRADA iyagoo hadalo kala duwan ka soo jediyay halkaa.

Ugu horayn waxaa xafladan ka hadlay madaxa maamulka iyo lacagaha ee IRADA Axmed Cumar oo ka warbixiyay soona dhaweyay ka soo qayb galayaasha isu soo baxana, wuxuuna uga mahad naqay dadkan maanta soo ajiibay martiqadkan ugu danbayntiina wuxuu ku soo dhaweyay makarafoonka agaasimaha IRADA Ridwaaan Maxamed Ibraahim.

Waxa ka hadlay isaguna Agaasime Ridwaan Maxamed mahad ka sokow umahadnaqay ka soo qayb galayaashan wuxuuna sheegay in howshan ay manta isu yedheen ay iska kaashadeen hay’ada UNFPA, wuxuu sidoo kale ka warbixiyay mashruucan oo uu sheegay in lagu bilaabay koox dhalin yaro abwaano ah oo la isugu yeedhay ina sameyeen fariimo lagu wacyi galinayo dadka sidii loo yarayn laha guurka qasabka ah, wuxuuna xusay in manta loo bahan yahay ka bulsho ahaan in aynu meel ka wada istaagno sidii loo cidhib tiri lahaa guurka qasabka ah, kasuu sheegay in dhalinyaro badan sahayday guurkan qasabka ah, sidoo kale wuxuu sheegay in mashruucan ka bulsho ahaan faa’iido badan inoogu jiro.

Fariimaha ay gudbinaysay IRADA oo ahaa laba fariimood oo kala ah (AROOS ANAN JECLYN, MAXAA LAYGA ALOOSI) IYO (HADDUU QASAB GUURKU GALO, KHILAAF BAA LAGA DHAXLAA) fariimahan oo la filayo in ay waxweyn ka tari doonaan dedaalka lagu doonayo in guurka khasabka ah ay joojiso bulshaweynta Somaliland.

bandhige@gmail.com