IRADA iyo UNFPA waxay wadajir u qabteen kulan lagaga hor tagayo guurka qasabka ah kuna qabteen Berbera

Ururka maxaliga ah ee Initiative for Research and Development Action marka la soo gaabiyana la yidhaahdo IRADA horayna loo odhan jiray Training and Research Group “TRG” oo mashaariic ka waday Somaliland tan iyo 2004 ayaa sanadkan ugu danbeyay ee aan ku jirno waday mashruuc ku sahabsan tacadiya ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan wuxu gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil ka waday dedaalo lagaga hortagayo Guurka qasabka iyagoo aad u da’yar lagu khasbo cid aanay doonayn in ay guursadaan.

Kulankan ka dhacay Berbera oo socday mudo lix cisho ah ayaa waxa ka soo qayb galay 100 qof oo ka kala socday bulshada kala duwan, maamulka iyo shaqaalha IRADA iyo bixiyayaasha casharadan.

Xidhitaankii kulankan oo Bandhige goob joog ka ahaa waxa ka soo qayb galay maamulka iyo shaqaalada IRADA iyagoo hadalo kala duwan ka soo jeediyay halkaa.

Ugu horayn waxaa xafladan ka hadlay gudoomiyaha IRADA ee gobolka Saaxil Mukhtar Abdi oo ka warbixiyay kulankan howleedkan

Sidoo kale waaxa isna ka hadlay Agaasimimaha Guud ee IRADA Ridwaan Maxamed Ibraahim. sidoo kale wuxuuna sheegay in howshan ay maanta isu yeedheen ay iska kaashadeen hay’ada UNFPA, wuxuu sidoo kale ka warbixiyay mashruucan oo uu sheegay in lagu bilaabay koox dhallin yaro abwaano ah oo la isugu yeedhay si ay u sameyeen fariimo lagu wacyi galinayo dadka sidii loo yarayn laha guurka qasabka ah, wuxuuna xusay in maanta loo baahan yahay ka bulsho ahaan in aynu meel ka wada istaagno sidii loo cidhib tiri lahaa guurka qasabka ah.

sidoo kale wuxuu sheegay in mashruucan ka bulsho ahaan faa’iido badan ugu jiro.

Fariimaha ay gudbinaysay IRADA oo badnaa waxa ka mid ahaa labadan fariimood oo kala ah (Aroos aanan jeclayn, maxaa laga aloosi iyo hadduu qasab guurku gal, khilaaf baa laga dhaxlaa.)

Fariimahan oo la filayo in ay waxweyn ka tari doonaan dedaalka lagu doonayo in guurka khasabka ah ay joojiso bulshaweynta Somaliland

bandhige@gmail.com