Is-bahaysiga musharaxiinta Kulmiye oo ku hanjabay in ay ka baxayaan xisbiga

Is-bahaysiga musharaxiinta Kulmiye ee hankoodu yahay Madaxweynenimada, kuwaas oo kala ah Axmed Nuur Kijaandhe, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis oo shalay ku dhawaaqay in aanay ka qayb galayn Shirka Golaha Dhexe ee lagu waddo in uu ka furmo Hargeysa maalinta beri ee 10-ka Noofambar ayaa maantana ku hanjabay in ay xisbiga ka bixi doonaa mar ay xaflad ku qabsadeen Guuleed Huteel.

Xafladdan ayaa ahayd mid lagu taageerayo go’aankii is-bahaysiga musharaxiinta Kulmiye ku qaadaceen ka qayb galka shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye oo ay shalay ku dhawaaqeen in aanay ka qayb galayn.

Is-bahaysiga musharaxiinta Kulmiye ayaa waxay dalbanayeen maalmihii ugu dambeeyey in dib loo dhigo shirka Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye, dalabkaas oo aan dhag jalaq loo siin.

Ugu horeyn waxa madashan ka hadlay Xildhibaan Axmed Nuur Kijaandhe, waxaana hadaladdiisii ka mid ahaa:

“Tareenkii Kulmiye ee aynu inta badan soo saarnayn waxaynu uga degnay waxaynu arkaynaa halka uu ku socdo. In yar ayaa maanta saaran, intaasina waxay saaran tahay shidhka hore oo isteerinka ayay isku haysaa, isku ciil kaabiyi maayo oo qof weyn oo waxa xun iyo waxa san kala garanaya ahay.”

Cabdicasiis Samaale oo isna hadlay xafladan ayaa waxa uu yidhi:

Guushu maaha in aad gaadho waxa aad doonayso, ee waa in xaqu guulaysto. Waa in dadnimada iyo damiirku guulaysto. Waxaan leeyahay waynu guulaysanay oo damiirka fiican ayaa guulaystay. Shirkaas Kulmiye ee bari qabsoomaya, anigu isma lihi wuu qabsoomiye, waa laga yaabaa in 24 saacdood ee soo socda aad maqasho wuu qabsoomi waayay shirkii oo dhawr markii hore dulmi ku heshiisay ayaa wax isku qabatay.”

Cabdicasiis Samaale oo hadalkiiuu yidhi:

“Madaxweynaha cidii ag fadhiyi lahaydi ee bidix iyo midig ka kala fadhiisan lahydi waa labada Guddoomiye-ku-xigeen ee Golaha Wakiilada Baashe iyo Dr, Cali Yuusuf, labadiiba maanta halkan ayaa inagula sugan yihiin oo kama qayb galayaan shirka bari la qabanaayo e xaraanta ah.”

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlay xafladan ayaa waxa uu yidhi:

“Shirka Kulmiye waxaanu u qaadacnay in aanu ka qayb galno waa cadaalada darro ka jirta xisbiga gudihiisa oo aanu ka waynay Madaxweynaha, xal arrintaasi aanu Madaxweynuhu ka gaadhi waayey.”

Rajadda dib-u-dhigista shirka Golaha Dhexe ee garabkani doonayeen ayaa waxay ku dhacday god madow ka dib markii hoggaanka xisbiga iyo Madaxweyne Siilaanyo ku adkaysteen in aan saacad dib loo dhigayn shirweynaha xisbiga Kulmiye.

isbahaysiga 4 isbahaysiga 3 isbahaysiga isbahaysiga 2

bandhige@gmail.com