Isbahaysiga Dimuqraadiga Kulmiye waxa si weyn loogu soo dhaweeyey Burco

Siyaasiyiintii dhawaanta iska casishay xukuumadda oo la baxay “Isbahaysiga Dimuqraadiga ah ee Kulmiye”, gaar ahaan inta ka soo jeedda deegaanka Burco, ayaa maanta si aad u diirran loogu soo dhaweeyey Burco.

Waxa isku soo baxay boqolaal baabuurta dadweynaha ah iyo kumanaan dadweynaha oo caleemo qoyan u lulayey siyaasiyiintan iyadoo dadka qaar ay siteen boodhadh ay ku qoran yihiin “waxad tihiin halyeeyo, soo dhawaada.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyada oo weftigan hor kacayey ayaa dareenkiisa soo dhawayntan la xidhiidha ku cabiran qoraal oo ku daabacay barta uu ku leeyahay Facebook-ga, kaas oo sidan u dhigan:

Way kala Xasuus iyo Xiiso badan tahay marka Xil ama Xoolo lagugu soo dhaweeyo iyo marka Kalgacayl iyo Mabd’a lagugu soo dhawaynayo.

Waxay ahayd maanta kadib markaan soo gaadhnay Xarunta gobolka Togdheer ee Burco aniga iyo tiro kamida Isbaahaysiga Dimquraadiga ah ee Kulmiye oo kala ah Gudoomiye ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Axmed Yuusuf Waabeeyo, Xildhibaan Cabdicasiis Dhulcun, Xildhibaan Farxaan Maxamed Cali iyo Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr Cabdi Aw Dahir.

Isbahaysiga

Kahor intii waftigu soo gaadhin magalaada Burco ayaa boqolaal kamida taageerayaasha ku dhisan mabd’a iyo kalgacaylku nagu qaabileen dareen qalbi ruxan le kaasoo shidaal noo noqonaya aan ku safarno inta aan ku gudo jirno hayaankayaga Dimquraadi doonka ah.

Waxaa hubaal ah in waxa dadka mideeya yahay aragtida iyo mabd’a in maanta sidan oo kale naloo soo dhawayeyna waxay fariin u tahay sida shacabka reer Somaliland u rabaan doorasho ku dhisan xornimo isla markaana ah dimuqraadiyad aan jujuub lahayn.

Waxaan si dareen badan uga mahadcelinaynaa taageerayaasha caqli xorta ah le ee maanta sidan noo soo dhaweeyey waxaanan leeyahay “Way kala Xasuus iyo Xiiso badan tahay marka Xil ama Xoolo lagugu soo dhaweeyo iyo marka Kalgacayl iyo Mabd’a lagugu soo dhawaynayo” taageerihiina maantana waxaan qirayaa in aanu ahayn mid xil iyo xoolo toona ku xidhan ee uu yahay mid kalgacayl iyo qalbi wanaag hogaaminayo.

Soo dhawayntiinu waa fariin na faraysa in aan hayaanka horay u sii wadno si aan u helno Somaliland Xoriyad isku doorata isla markaana qofka ku qiimaysa astaamo Qabyaalad ka madhan!

Hadii aad jeclaysato daawashada soo dhawayntii maanta fadlan riix halkan hoose:

Geedigu uu soconayaa guushuuna way dhawdahay!

Wa Bilaahi Tawfiiq