Isbahaysiga musharaxiinta Kulmiye oo qaadacay guddida dhex dhexaadinta ee uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay

Isbahaysiga saddex murashax oo raba in ay ku dhex tartamaan Golaha Dhexe ee Kulmiye haddana wada socda oo iska bahaysatay murashaxa loo arko in uu ugu muruqa weyn yaha inta tartamaysa oo ah guddoomiyaha Kulmiye ayaa ku dhawaaqay in aanay ogolayn guddiga uu Madaxweynaha Siilaanyo u magacaabay xallinta khilaafka ka taagan Kulmiye.

Musharaxiinta oo shir-saxaafadeed ku qabtay Hargeysa ayaa kaga hadlay muranka musharaxnimada xisbiga Kulmiye oo koox wasiiro ahi iska casileen xilkii ay ka hayeen qaranka, balse Madaxweyne Siilaanyo ayaa soo dhaweeyey, kana aqbalay iscasilaadooda.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah musharaxinta damacsan in ay ku tartamaan xisbiga Kulmiye oo ka hadlay shirkan ayaa ku dhawaaqay in aanay ogolayn Guddiga uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay dhex dhexaadinta khilaafka xisbiga, waxaanu sheegay in aanay marna ogolaan doonin wixii ay guddidaasi soo saarto.

Garabkan ayaa waxay ku doodayaan in aanu Madaxweyne Siilaanyo dhex ka ahayn tartanka musharaxnimda Madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye.

Garabkan ayaa waxay sidoo kale maanta isku yimaadeen kulano qado sharaf oo ka dhacday Hudheelka Crown oo ay isku yimaadeen dadweyne tiro badan oo iskugu jira siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan xisbiga Kulmiye.

12193686_10207196731050186_8610376146130831128_n crown

bandhige@gmail.com