Isbeddel lagu sameeyey hab-marista waddooyinka Hargeysa

Maayar-Xigeenka Hargeysa Cabdicasiis Cagawayne oo ay weheliyaan Xoghayaha dawladda hoose iyo taliyaha ciidanka nabadgelyada waddooyinka ayaa maanta shir-saxaafadeed qabtay, waxayna shaaciyeen in ay isku beddeleen hannaankii loo marayey waddada halbowlaha ah ee Hargeysa ee hor marta Qasriga Madaxtooyada iyo ta dhabarka ka marta dhakhtarka Hargeysa.

Markii hore waddada galbeedka u socota ayaa mari jiray waddada wadnaha, hadda waxa mari doona kuwa bariga u socda. Sidoo kale, waddada dhakhtarka daba marta markii hore waxa mari jiray baabuurta bariga u socota, hadda waxa mari doona kuwa u socda galbeedka.

Amrka isku-beddelkan ayaa masuuliyiinta dawladda hoose sheegeen in uu dhaqan-gal noqon doono Khamiistan.

Muddo aan dheerayn ayaa Wasiirka Arrimaha Guduhu soo rogay amar wax lagaga beddelayo hannaankii dariiqyada loo mari jiray, iyadoo markii hore ay dariiqyada badankoodu laba haad ahaayeen. Dariiqyadii saxmaddu ku badnayd ayuu u beddelay hal haad taas oo la dareemay in ay si wayn u yaraysay saxmaddii baabuurta walow ay cabashooyin yaryar iyo jaho-wareer maalmihii hore ka dhasheen.

Madaxda dawladda hoose sharaxaad dheeraad ah kama ay bixin sababta keentay in haatan go’aan kale la qaato.

Lama oga in Wasiir Warancadde go’aankan ku raaci doono iyo in kale.

Bandhige@gmail.com