ISIS waxay qarxisay mid ka mid ah aasaarta ugu qadiimisan dunida

Aasaartii saddexaad ee ku taal magaalada Palmyra ee Suuriya oo magaceedana la yidhaa “The Arch of Triumph” ayay maanta qarxisay ISIS.

Sidaas waxa maanta oo Isniin ah wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Maxamed Xasan Al-Xumsi oo ah taariikyahan u ololeeya daryeelka raadadka taariikhiga ah ee aadamaha.

Qarxinta aasaartan cusub waxa aad uga niyad-jabay taariikhyannada dunida kuwaas oo ISIS ku tilmaamay juhalo aan aqoon u lahayn qiimaha taariikhda aadamaha.

Aasaartan “The Arch of Triumph” oo ahayd dhisme boqortooyooyin qadiimi ah oo Roomaaniyiintii ay ka mid yihiin ku arrimin jireen waxa la dhisay 2000 oo sanno ka hor, waxaanay u diwaan-gashanayd UNESCO.

Agaasimaha Hay’adda UNESCO Irina Bokova ayaa sheegay in duminta aasaartu ay tahay dambi-dagaal, kuwii falkan gaystayna la hor gayn doono cadaalladda goor ay noqotaba.

Ka hor intii aanay ISIS burburka ku bilaabin, Palmyra waxa booqan jiray 150,000 oo dalxiiseyaal ah sannad kasta.

Hoos ka akhri war hore oo kan la xidhiidha:

ISIS waxay burburisay aasaartii qadiimiga ahayd ee Palmyra

Bandhige@gmail.com