ISIS waxay sheegatay weerar maanta Ciraaq ku dilay 55 qof, 200 oo kalena dhaawacay

Weerarkii ugu xumaa ee loo gaysto dadweynaha Ciraaq intii uu Ra’iisal-Wasaaraha noqday Xaydar Al-Cabbadi ayaa lagu ekeeyey suuq camiran oo ku yaal xaafadda shiicadu ku badan tahay ee Sadr oo dhacda waqooyiga Baqdaad.

Gaadhi nooca waaweyn ee qaboojiyeyaashu ku rikiban yihiin ah ayaa laga soo buuxiyey walxaha qarxaha kadibna inta uu dhex istaagay meel ilyartu is qabatay ayuu taabtay badhanka is-qarxinta.

Weerarkani wuxu sahayday nolosha 55 qof, iyadoo ay dhakhaatiirtuna la tacaalanayaan 200 oo qof oo dhaacaw ah oo qaar badani halis ku sugan yihiin. Taas oo macnaheedu tahay in la filayo dhimashada oo kor u sii kacda.

Kooxda lagu magacaabo ISIS ama IS oo ah jabhad u taagan samaynta dawlad Islaami ah ayaa sheegatay in ay weerarkaas iyadu fulisay.

Qof goobta qaraxu ka dhacay tagay ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in xaaladda meesha ka jirtay ay ahayd mid indhihii arkay ilmo ka keenaysay. Wuxuna yidhi:

“Maydku wuxu wadhnaa meel walba, qurubyada xubnaha dadkuna waxay duulnaayeen guryaha dushooda iyagoo dhiigaya.”

Weerarro kan oo kale ah ayaa laba maalmood ka dhacay isla xaafaddan, kuwaas oo ay ku qudh-baxeen tobonaan qof oo Shiico u badan. Tani waxay muujinaysaa in weerarkan maanta iyo kuwii horeba ay ku ladhnaayeen ujeeddooyin mad-haba diinta ah.

Kala socod Bandhige wixii hadba ka soo kordha dhacdadan.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com