ISIS waxay sii daysay 37 maxbuus oo Kiristaan ah

Sida ay xalay shaaciyeen kooxo daraaseeyaa qulqulatooyinka ka socda Suuriya, ISIS waxay oodda ka rogtay 37 maxbuus oo Kiristaanka loo yaqaan Assyrian.

Maxaabiistan lama filayn in la sii dayn doonto, taas ka soo horjeedkeeda waxa looga baqayey in Kooxda mayalka adagi ay u gawracaan sidii ay hore ugu gawraceen maxaabiis Kiristaan ah oo ay ku qabteen Liibiya.

Maxaabiistu waxa la sheegay in badankoodu ay caafimaad qabaan isla markaana ay aad ugu faraxsaan yihiin in mustaqbalkoodii uu mugdi ka baxay.

37 qof ee ISIS sii daayeen waxa ay ka mid ahaayeen 215 qof oo ururkani qafaasheen 23-kii February 2015-kii iyadoo ilaa hadda la sii daayey 88 qof halka ay 127 maxbuus oo kale ay wali gacantooda ku jiraan.

Weli lama oga faahfaahinta hannaankan dadkan loo sii daayey iyadoo dad ay ISIS hore u sii daayeen ay ku doorsadeen lacag fara badan.

Bandhige@gmail.com